Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanno dhowr ah oo ay ka mid yihiin deegaanka Abooreey, Tardo, Sagaalgeed, Geedsamo,Inameey, oo dhammaan hoos yimaada degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ee hormuudka u ah dagaalka dalka looga xoreyynayo argagixisada Al-Shabaab ayaa soo bandhigay, meydadka argagaxisada iyo sido kale hubkii laga furtay.