Dowladda Soomaaliya ayaa deeq daawo ah oo ilaa 4 tan ah gaarsiisay shacabka ku nool deegaanada Cayn ayadoo diyaarada siday dawada ay ka degtay magaalada Buuhoodle.
Xilibaan Maxamed Jaamac Gengeli iyo Xilibaanno deegaanka ah ayaa deeqda oo ka timid dowladda Soomaaliya gaarsiiyey maamulka iyo isimida deegaanada Cayn.
Xilibaan Maxamed Jamac Gengeli, Xilibaanada kale iyo maamulka iyo waxgaradka bulshada magaalada Cayn ayaa ka mahadceliyay deeqda daawada ah ee ay dowladda Soomaaliya gaarsiisay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, si wax loogu qabto dadka ay abaarta ku heysato qaar ka mid ah deegaanadaasi.