Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deeq lacageed oo lagaarsiiyay gabar xanuun naxdin leh ku dhacay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Deeq lacageed oo lagaarsiiyay gabar xanuun naxdin leh ku dhacay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

2Dhamaan ardayda wax ka barata Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Jazeera ayaa iska soo uruuriyay lacag gaareysa $2000.000, kadibna ku wareejiyay gudoomiyaha guddiga gurmadka gabadha Sheekh C/ Xayyi Sheekh Aadem Xassan, waxaana lasheegay in Xaawa Maxamuud Cali uu ku dhacay xanuunka qatarta badan ee Kansar.

Ardaydaan ayaa ka damqatay inantan yar kadib markii warbixinteeda ay ka heleen Axmed Abshir Geedi oo u ololeeyay arrimaha bulshada kana mid ah guddiga gurmadka u sameynaya gabadhan yar ee reerkeedu awoodda badan u laheyn iney gargaar caafimaad oo dibadda ah geeyaan xilli guud ahaan dhakhaatiirta ku shaqada leh xanuunada indhaha & aragga ay sheegeen inaaney waxba uga qaban karin gudaha dalka Xaawa Maxamuud Cali una baahantahay gargaar caafimaad oo deg deg badan oo dalka dibaddiisa ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Saadaam C/llaahi Cusmaan oo wakiil ka ahaa guud ahaan ardayda Jaamacadda Jazeera ayaa sheegay iney ardaydu ka jareen jeebkooda wixii tabar ah ay kari kareen maadaaba iyaguba ay yihiin dad lakaalmeeyo oo arday ah balse ladamqaday dhibta culeyska badan ee haysata Xaawa & reerkooda intaba, isagoona intaa ku sii daray iney joogteyn doonaan garab istaagga dadka liita, wuxuuna baaq u diray ardayda kale ee wax ka barta gudaha Muqdisho, gobolada dalka & dibadda intaba si loo kaalmeeyo inantaan u baahan garab istaagga.

Sheekh C/xayyi Sheekh Aadem Xassan oo ah gudoomiyaha guddiga gurmadka gabadha ayaa kaga mahadceliyay ardayda Jaamacadda Jazeera & hooyooyinka soomaaliyeed ee ku nool dalka maraykanka deeqda lacageed ee gaaraysa $2580.00, waxaana wakiil ka ahayd deeqda hooyooyinka mareykanka oo gaaraysay $580 Maama Safiya Diiriye Maxamed oo lagu yaqaano naxariista isagoona Allaah uga baryay inuu ka abaalmariyo guud ahaan dadkii soomaaliyeed ee garab istaagay inantaan dhibanaha ah oo ay ku jiraan jamaacada masaajidyada muqdisho oo aad ugu gurmaday ilmahan yar ee dhibaatadu ku heysato magaalada muqdisho.

Dr Xuseen Abshir ayaa hadda latacaalaya inanta iyadoona lajiifiyay isbitaalka Jaamacadda Soomaalia (UNISO) howlwadaag magaalada muqdisho, waxaana Dr Xuseen Abshir & Jaamacadda Soomaaliya intaba looga mahadcelinayaa garab istaagga & naxariista qiimaha badan ee ay u sameynayaan inantaan iyagoona sheegay iney joogteyn doonaan kaalmada & garabsiinta gabadhan yar ee xanuunka qatarta badan haysto.

Ugu dambeyn waxaa socdaa dadaalkii ugu dambeeyay ee Xaawa Yariisey loogu qaadi lahaa dalka india, iyadoona xusid mudantahay in maamulada Emigration ka & Isbitaalka Kalkaal ay bilaash ugu sameeyeen Passports ka & Visa-ha dalku galka india, waxaana lagu wadaa in dhawaan ladiro Xaawa Inshaa Allaah.

Faahfaahinta Axmed Abshir Geedi, guddiga gabdha 00252615535508.

1 2 3

 

 

Previous Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Danjire Axmed Cabdi Xaashi Xasharo

Next Post

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo shir guddoomiyay shirka dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo shir guddoomiyay shirka dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya “SAWIRRO”

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka oo shir guddoomiyay shirka dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In