Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DEG DEG: R/wasaaraha XFS oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
R/wasaaraha Soomaaliya” Waxaan dooneynaa iney dhalinyaradu noqdaan Tabliiqa cusub ee Nabada iyo Dowladnimada”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shaqo joojin ku sameeyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud.

 

Wareegtadaan ayaa waxaa warbaahinta Qaranka ka akhriyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Alcadaalla.

“ Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya markuu arkay Qodobka 99-aad xarfihiisa A,B,E iyo I ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,markuu arkay qodobka 100,xarfihiisa A,B iyo D,Dastuurka KMG ah ee JFS,markuu arkay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu aas-aas u yahay ku dhaqanka dastuurka,xeer hoosaadka Golaha Wasiirada,shuruucda iyo Xeerarka u yaalo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayna ku shaqeyneyso daahfurnaan,isla xisaabtan iyo Dowlad wanaag ku saleysan qorshaha Horumarinta Xukuumadda Qaranka,”

“Markuu tixgeliyay soo jeedinta Hanti dhowrka Dowladda,markuu garowsaday in la gun gaaro dulucda Murtida eedeynta lagu soo oogay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada wuxuu meel mariyay shaqo ka joojin,laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka bisha Augost sanadka 2018-ka,waxaa shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, si Hay’adaha isla xisaabtanka sharciga oo ay ugu horeeyaan Hanti dhowrka Guud iyo Xeer ilaaliyaha Guud Waajibaadkooda uga gutaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.”

Previous Post

Mashaariic Horumarineed oo laga bilaabey Warshiikh +Sawiro

Next Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub+Sawirro

Next Post
Wasiirka Maaliyadda XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub+Sawirro

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Yurub+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In