Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta labaad ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda dalka+Sawirro.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta labaad ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda dalka+Sawirro.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarigga ka jaray xaruta labaad ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo laga hirgeliyay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Xaruntaan cusub ee laga daahfuray degmada Cabdicasiis ayaa ah mid loogu adeegi doono bulshada caasimadda gaar ahaan 8-degmo oo katirsan gobolka Banaadir kuwaas oo kala ah, degmooyinka,Cabdicasiis,Kaaraan,Yaaqshid,Shibbis,Boondheere, Hiliwaa,Shangaani iyo XamarWeyne.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya, korneyl Maxamed Aadan Koofi oo ka hadlay Munaasabadda ayaa xusay in furitaanka xaruntaan ay timid kaddib dalab uga yimid shacabka oo ahaa in la ballaariyo xarumaha hay’adda  maadaama uu ciriiri badan ka jiray xarunta laga bixin jiray Baasaboorka,isagoo sheegay in xaruntaan ay hadda wixi ka dambeeya loogu adeegi doono bulshada ku nool 8 degmo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa hay’adda socdaalka ku boggaadiyay shaqooyinka ay bulshada u heyso, waxaa uuna sheeyay in tani ay kamid tahay dadaallada dowladdu ay ugu jirto in adeegyada loo dhaweeyo shacabka.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan dowladda,Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir,mudane Ibraahin Cumar Mahad Alle (Ibraahin Dheere) iyo masuuliyiin kale.

Previous Post

Barakacayaasha ku nool Beledweyne oo ka cabanaya hoy iyo cuno la’aan

Next Post

Wasiirka Shaqada XFS oo xafiiskiisa kula kulmay Maareeyaha wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed+Sawirro

Next Post
Wasiirka Shaqada XFS oo xafiiskiisa kula kulmay Maareeyaha wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed+Sawirro

Wasiirka Shaqada XFS oo xafiiskiisa kula kulmay Maareeyaha wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In