Maamulka Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa ku guulaystay inuu dibuheshiin dhex dhigo beelahii ku dagaalamay deegaanno hoosyimada Degamadaasi.
Guddoomiyaha Degmada Matabaan Xuseen Salaad Ibraahim ayaa Radio Mudisho u sheegay in lagu guuleystay colaad 3-dii July ka dhacday deegaanno hoostaga Degmada Matabaan, isagoo xusay in odoyaashu ay ku heshiiyeen qodobo muhiim ah oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa colaad dambe oo Gobolka Hiiraan ka dhacda.
“Ilaah ayaa Mahad iska leh, xaaladihii colaadeed ee ka jiray degmada Matabaan deegaanno hoostaga, waxaan rabaa inaan idinkugu bisahareeyo in la xaliyay qeybo ka mid ah oo lagu guuleystay xalkooda, laga soo bilaabo 3-dii July ayay colaadahan dhaceen” ayuu yiri Guddoomiyaha oo hadalkiisa ku daray in dirirtu ay ka bilaabatay daaqsin.
Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran