Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Dhageyso: Dowladda Soomaaliya oo hambalyo iyo bogaadin u dirtay xidigaha Xulka Qaranka Dalkeena

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Barnaamijyada, Ciyaaraha, Wararka, Wareysiyada
0
Xulka Qaranka Soomaaliya oo ka badiyay dhigooda Burundi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay xidigaha Xulka Qaranka Dalkeena oo guul taariikhi ah ka soo hooyay tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ay 1-0 kaga adkaadeen Xulka Dalka Burundi.

Wasiir Khadiija oo waryeysi gaar ah siisay Radio Muqdisho ayaa ugu horeyn Hambalyo u dirtay cayaartooyda Soomaaliyeed, waxaana ay guusha ay ka gaareen dhigooda Burundi ku tilmaamtay mid taariikhi ah oo ka turjumeysa horumarka Isboorti ee ay Soomaaliya ku talaabsatay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Waa guul dhamaan Ummadda Soomaaliyeed u soo hooyatay, Dowlad iyo shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo dalka gudahiisa iyo dibadiisa ay ka joogaan, gaar ahaan Bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed, gaar ahan Olombikada, Xiriika kubadda cagta iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, waa wax Alle loogu xamdiyo horumarka isboortiga Soomaaliya uu sameynayo”ayay tiri Wasiir Khadiijo

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya aya sheegtay in saddexdii sano ee la soo dhaafay lagu guuleystay horumarka dhanka isboorti ee la sameeyay, iyadoo guul u rajeysay Xulkeena kulanka xiga ee ay la balansanyihiin Axadda xulka dalka Eritrea.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa tilmaamtay inay goordhaw ay dalka imaan doono cayaartooy Soomaaliyeed oo ka kala imaanaya Dalalka Ingiriiska, Sweden iyo Holland, kuwaasi oo qeyb ka ah hannaanka la isugu dhafayo cayaartooyda Soomaaliyeed, si loo tayeeyo, isla markaana loo horumariyo isboortiga dalka.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2019/12/WARAYSI-WASIIRKA-DHALINYARADA-CIYAARAHA-SOOMAALIYA-122019-2.mp3
Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Dooxa “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In