Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhallinyarada Soomaaliyeed oo loogu baaqay inay ka qeyb qaatan horumarka dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru ka tirsan Xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayey doorka dhallinyarada ee ku aadan horumarka dalka iyo dib u dhiska oo xaly lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan “Nuux” Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi iyo mas’uuliyiinta ururka dhallinyarada isbadal doonka ah ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (DHISO) ayaa lagu xusayay 9 sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aas aasay ururkaasi.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

Gudoomiyaha ururka dhallinyarada isbadal doonka ah ee (DHISO) Cabdulqaadir Maxamed Cali oo ka hadlay kulanka ayaa sheekeeyay waxyaabaha u qabsoomay, isagoo xusay si gaar ah u tilmaamay doorka dhallinyaradu ay ka qaadan karaan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

“Dhallinyarada door weyn ayay ku leeyihiin inay kaqeyb qaataan horumarka dalka, marka waxaan ku baaqayaa in dhallinyarada ay muujiyaan doorkooda” ayuu yiri

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulqadir Sheekh Cali “Baqdaadi’  ayaa sheegay in dhallinayaradu ay kaalinta ugu muhiimsan ka qaadan karan horumarka dalka hadii ay isku duubnaadaan.

“Waxaan maanta ku faraxsanahay in Soomaalida ay 70% xilligan u badanyihiin dhalinyarado da’doodu ka yartahay 30 sano jir, waxaana awoodda uu dal waliba leeyahay” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan “Nuux” oo gaba gabadii ka hadlay kulanka ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed inay garab istaagaan Wasaaradda, ayna ka shaqeyn doonaan sidii dhallinyarada shaqo abuur loogu sameyn lahaa gudaha dalka.

“Waxaad ogtihiin in ay nagu soo fool leedahay xuska maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, marka waxaa la idinka rabaa inaad door muuqdo ka qaadataan xuska munaasabadaasi, idinkuna waxaan idin leeyahay hambalyo” ayuu yiri Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe oo ku baaqay in laga caawiyo sidii biyo xireen loo sameyn lahaa

Next Post
Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo laga hadlay

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe oo ku baaqay in laga caawiyo sidii biyo xireen loo sameyn lahaa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In