Dhallinyaradan oo isugu jiray Gabdho iyo wiilal ayaa tira ahaan gaarayey 250 ayaa waax muddo 6 bilood ah ay ku barteen xirfado dhowr ah oo ay ka midyihiin cilaansaar, Tolidda dharka iyo Nakhshadeentiisa, faryaamo iyo xirfado kale
Waxaana Xaflada ay ku qalin jabinayeen islamarkaasina Qalabka lagu gudoonsiinayey ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, ahna Duqa Degmada Baydhabo, Wakiil ka socoday Hay’ada DRC Iyo Macalimiinta iyo Maamuliyaasha Xarunta Waxabarashada iyo Wadatashiga.
Ugu horeen Waxaa goobta ka hadley Maamulaha Xaruunta Dhallinyaradan wax ku soo bartey, waxaana uu sheegay inay barteen xirfado kala duwan oo muhiim u ah noloshooda.
Cabdiqaadir Xasan Buule Madaxa Hay’adda DRC ee Gobaladan Koofur Galbeed ayaa sheegay in mashruucan xirfadaha lagu baraayey Dhaliyaradan Hay’ada DRC ay fulisay islamarkaasina sidii loogu talagay uu u fulay.
C/laahi Cali Watiin Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa dhallinyarada ku dhiiragaliyey in ay ku shaqeystaan xirfadaha ay soo barteen.