Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

DHAMBAALKA MADAXWEYNAHA EE BILASHADA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Barnaamijyada, Wararka
0
DHAMBAALKA MADAXWEYNAHA EE BILASHADA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bismillaaahi Al-raxmaani Alraxiim,

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wa barakaatu

1442/9/1 H   2021/4/13 M

Munaasibadda bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa dadkeenna Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta adduunka oo idil.

Bilashada bishan barakeysan ee Ramadaan waxa ay xambaarsan tahay khayr badan. Waa bishii kheyrka, waa bishii towbada, cafiska, waa bisha uu ku jiray habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bisha sheydaanka la xiro oo Alle uu naarta ka xoreeyo muslimiin badan oo uu waafajiyey khayrka bishan.

Si aan uga faa’iideysanno Bishan barakaysan waa in aan ugu horreyn isu-qalbi xaarnaano oo aan iscafino, qofkastana uu walaalkiis kale la jeclaadaa wanaag iyo horumar.

Bisha Ramadaan ee sanadkan waxa ay inoo timid iyada oo wali uu dalkeennu la daalaa dhacayo saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee cudurka safmarka ah ee Karonaha oo ah mid aan la dhayalsan karin, maadaama tirada dhimashada iyo bukaannada uu soo ritay cudurkan ay aad u korortay, sidaas awgeed waa in aynu u istaagnaa la shaqeynta laamaha caafimaadka, si buuxdana ugu hoggaansanaa talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka bulshadeenna.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in aynu garab istaagno qoysaska iyo dadkeenna danyarta ah, innaga oo xoojinayna dadaallada afursiinta iyo taakuleynta dhaqaale ee  bishaan oo kale sanad kasta ay hor Ilaahay u abaabulaan dhallinyarada iyo culimada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii, waxaan ku boorrinayaa shacabka Soomaaliyeed ka shaqeynta danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinteenna suuban ee Islaamka.

Alle ha inaga aqbalo cibaadada iyo camalka suuban, hana inoo siyaadiyo nimcooyinka uu ku manneystay dalkeenna iyo dadkeenna oo islaamnimada, nabadda, barwaaqada iyo dowladnimadu ay ugu horreyso.

Ramadaan Kariim

Previous Post

DEG DEG: Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in beri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In