Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhammaadka Noloshii Macalin Axmed

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Dhammaadka Noloshii Macalin Axmed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Axmed Maxamed Yuusuf wuxuu ahaa Ubax u soo baxay Qoyskiisa iyo Ummada Soomaaliyeed, waxaa la joogay xiligii uu guran lahaa miraha Tacliinta uu bartay, sidoo kalana uu ugu adeegi lahaa dalkiisa iyo dadkiisa, laakiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sabab u naqday dhammaadka Noloshiisa.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Afartii Sano ee ugu danbaysay wuxuu ahaa macalin ka shaqaynayay waxbarista Ubadka Soomaaliyeed, wuxuu macalin ka ahaa Dugsiga Axmed Waayeel ee ku yaala degmada Wadajir.

22-kii Bishaan December, ayuu ku geeriyooday gaari Al-Shabaab ay ku qarxiyeen meel ku dhow Dugsiga Yaasiin Cismaan oo uu ujoogay Tababar ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Dadka yaqaanay Axmed waxay Radio Muqdiso u sheegeen in asaga iyo dhalinyaro kale oo uu hormuud u ahaa ay waqti badan ku bixinayeen waxbarista Caruurta ku jira xeryaha Barakayaasha ah ee ku yaala magaalada Muqdisho, iyagoo si iskood ah isku xilqaamay.

Axmed wuxuu ahaa 25-jir, wuxuuna ku dhashay magaalada Muqdisho sanadku markii uu ahaa 1993-dii, sida ay inoo xaqiijiyeen Qoyskiisa.

Waxbarashadiisa hoose, dhexe, sare iyo heer Jaamacad, wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho, wuxuu bartay Maaraynta Ganacsiga, sidoo kale wuxuu haatan ku jiray qaybta Tababarka Macalinimada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

W/D Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo Dowladda iyo shacabka Sacuudiga uga tacsiyadeeyay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo ku guuleystay Arimo Muhiim u ah Xujeyda Soomaaliyeed.

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo ku guuleystay Arimo Muhiim u ah Xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo ku guuleystay Arimo Muhiim u ah Xujeyda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In