Kulankan oo looga hadlayay sidii wax loogu qaban lahaa dadka ka soo cararaya dagaalada ka socda Wadanka Yeman ayaa lagu qabtay magaaladda Muqdisho, aydoo ay ka qeyb galeen dhaqaatiir, ururrada bulshada raiydka iyo guddiga samata bixinta Qaxootiga Soomaaliyeed.
Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa si wada jir ah u gorfeeyay sida ugu wanaagsan ee gurmad caafimaad loogu samayn karo dadkaasi, isla markaan dhibaatada loola qabeybsan lahaa, iyadoo Ururka dhaqaatirta Soomaaliyeed ay balan qaadeen in wax walbo oo gurmad ah o loo fidinayo dadkaasi dhibaataysan ee Walaalahooda ah ay diyaar u yahiin, ayna diyaarna layihiin dhaqaatir la shaqeeyso guddiga samata baxinta qaxootiga Soomaaliyed si dadkaasi loogu sameyo adeeg caafimaad.
Guddoomiyaha Guddiga Samata baxinta Sheekh Nuur Baruud Gurxan ayaa u mahadceliyay dhaqaatiirta Soomaaliyeed kaalinta dareenka wadaninimo leh ay xanuunka ula qeybsan lahaayeen dadkaasi ka soo cararaya dagaaladda ka socda wadanka Yemen, ayna u fidiyaan adeegyo caafimaad oo dhameystiran.
Dr Maxamed Yuusuf oo ah guddoomiyaha Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay go’an tahay in gurmad dhan walbo ah ay la garab taagan yahiin dadkaasi walalahooda ah, ayna u soo dirayaan dhaqaatiir adeegyo caafimaad u fidisa.