Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhaqaatiir ka socota dalka Etoobiya oo soo gaaray Muqdusho

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Dhaqaatiir ka socota dalka Etoobiya oo soo gaaray Muqdusho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Madax kale oo Dowladda Soomaaliya katirsan ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey Guddi hordhac u h dhaqaatiir u dhalatey Dalka Itoobiya oo ka qeyb qaadan doono daaweynta dhaawacyada isagoona kala wareegey Dawo qeyb ka ah gurmadka dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii ee 29-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale laga filayaa dhaqaatiir kale iadoo maanta ay Soomaaliya soo gaareen Dawo iyo guddiga hordhac u ah khubarada ay soo diridoonaan dhanka qaliinada ah ee ay uga talagashey in ay kaga qeyb qaadato Gurmadka iyo Daweeynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaawacmey Qaraxyadii isxigxigey ee Argagixisada ka geysteen Isgoyska Zoobe 29-kii October.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatey dhaqaatiirta taqasus u leh Kiisaska halista ah in loosoo diro Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan gurmadka Caafimaad ee dhaacyadii Zoobe taas oo fursad kale u ah in dhaqaatiirta Dalkeena ay hellaan qibrado ku filan oo bari looga maarmi karo kiis walba in dibadda loo qaado.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahad celiyey Dowladda aan dariska nahay ee Itoobiya oo Dawo iyo dhaqaatiir qeyb ka ah gurmadka dhaawacyadii Zoobe usoo dirtey Soomaaliya kadib baaqii Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadanaa in Soomaaliya loo soo diro khuburo Caafimaad oo taqasus u leh Qaliida Dadka gubtey iyo Kiisaska adag ee aan dalka waxba looga qaban karin iyo dhaawacyada u baahan qaliimada wajiga.

 

 

Previous Post

Afhayeenka Booliska oo xaqiijiyey qarax argagixisadu la beegsadeen gaari siday Arday

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In