Wararka ka imaanaya magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in 10 carruur ah oo uu soo ritay cudurka Jaceecada lagu daaweynayo cisbitaalka magaadaasi.
Madaxa caafimaadka isbitaalka gobolka bakool Dr Ismaaciil Cabdiraxmaan Jeyte ayaa sheegay in carruurtaan uu haleeley cudurka Jadeecada, isla markaana ay u socoto howlo daawyn ah, isagoo intaa raaciyay in deegaanada ay ka yimaadeen carruurtaasi la gaarsiin doono tallaalka ka hortagga lixda cudur ee dilaaga ah.
Axmed Xasan Abuukar oo ah dhakhtar qaabilsan Carruurta da’adooda ka yartahay 5-ta sano ayaa sheegay in xanuunada ugu badan ee ay daaweeyaan ay yihiin kuwo ku dhaca Carruurta .
Isbitaalka gobolka Bakool waxa gacanta ku haysa Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka koonfur galbeed oo kaashanaysa hay’addo ay ka mid tahay ACF, waxaana sanadihii u dambeeyay xil la iska saaray sidii loo ciribtiri lahaa cudurada galaafta nolosha Carruurta.