Kulanka oo ahaa mid lagu soo bandhigayay qodaba habraaca u noqanaya dhameystirka qodabada heshiiska Nabadda Galkacyo ee la wada saxiixday 16/12/2017 ayaa maanta lagu qabtay Galkacyo
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayen xubnaha Guddiga Nabad galyada Gobalka Mudug qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Nabad galyada iyo dib u heshiisiinta labada maamul Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed oo ka warbixiyay ujeedka kulanka ayaa sheegay in uu yahay mid bulshada iyo mas’uuliyiinta heer gobal iyo heer degmo ee maamulada Puntland iyo Galmudug ay ugu soo gudbinayaan qodobo uu guddigu u arkay in ay wadiiqo u noqon karaan dhameystirka qodabadii heshiiskii Nabadda ee ay labada maamul iyo waxgaradkoodu ku kala saxiixdeen magaalada Gaalkacyo dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2017 kuwaa oo qaarkood aysan wali dhaqan galin.
suldaanka ayaa sidoo kale sheegay in bulshada iyo maamulkana looga baahan yahay in wixii talo ah oo ay ku biirin karaan ay soo gudbiyaan marka ay akhriyaan qodabada Guddigu soo bandhigay maanta.
Gudoomiyaha ururka dhallinyarada Gobalka Mudug Ceydiid Maxamed Cali Xasan ayaa isna madasha ka akhriyay qodabada la isku soo afgartay in ay habraaca u noqdaan fulinta iyo dhameystirka qodabadii la wada saxiixday 16/12/2017 kuwaasi oo gaarayay 12 qodob oo qaarkood ay qeexayaan kaalinta ay ku yeelanayaan ciidamada AMNIGA Qaranka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Gobaleedyada sida loo wajahayo soo qabashada dambiilaha ama dambiilayaasha iyo qaabka ay noqonayso qofka geysta fal dambiyeed dil ah iyo wixii la halmaala.
Ugu danbeyna Mas’uuliyiitii Maamulada Galmudug iyo Puntland ee kulanka ka qeyb galay ayaa bogaadiyay dadaalka Guddiga Nabad galyada Gobalka, iyagoo ku booriyay in bulshadu ay si fiican usoo akhriyaan qodabada ayna guddiga usoo gudbiyaan aragtidooda ku aadan wixii ay ku dari lahaayeen ama u baahan in dib u eegis lagu sameeyo,
Qodabada ay soo saareen guddiga ayaa si wadajir ah loo wada saxiixi doonaa marka dhamaan bulshadu ay kasoo tala bixiyaan
Waxaa Diyaariyay Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)