Monday, July 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Drs. Mina Xasan Shibis oo shaacisay inay tahay murashax xildhibaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 4, 2016
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna soo bandhigayay musharaxnimada xildhibaanka Qaran ee Mina Xasan Shibis ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Global ee magaalada Muqdisho.

Xaflada waxaa ka qeybgalay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya aqoonyahanno, xubno ka socday qeybaha bulshada, haween kooxda fanaaniinta Shamsudiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

July 6, 2025
Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

July 6, 2025

Kooxda Fanaaniinta Shamsudiin ayaa munaasabadda ku soo bandhigtay heeso wadani ah iyo kuwo ka tarjumayay waxqabadka Drs. Mina,  taasoo ay jecleysteen dhamaan ka qeybgalayaashi xafladaasi.

Wasiirki hore ee maaliyadda Xildhibaan Saalim Caliyoow Ibroow, Prof. Dhalxa iyo mas’uuliyiin kale oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa si isku mid ah u qiray in Drs. Mina Xasan ay mudantahay in loo doorto xubin ka mid ah baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Drs. Mina oo munaasabadda soo gudaanaday ayaa tilmaantay in ay tahay musharax u taagan xildhibaan qaran kaddib markii ay ku dhiirigeliyeen bulshada gobolka Banaadir, waxeyna hoosta ka xariiqday iney si wadaniyad iyo dadnimo leh ay ugu adeegi doonto dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee tabaaleeysan.

Taariikh Noloeedka Drs. Mina Xasan.

Waxey ku dhalatay degmada Shibis ee gobolka Banaadir waxbarashadeeda dugsiga sare ilaa heer jaamacadeed waxeey ku dhameysatay Muqdisho.

Meelo kala duwan ayeey ka soo shaqeysay sida wasaaradda caafimaadka, Bisha cas ee Soomaaliya oo ay ku biirtay muddadii uu dalku ku jiray dagaallada iyo gaajo iyadoo kaga soo shaqeeysay si mutadawacnimo ah xarumaha barakacayaasgha waqtigaas.

Kaddib waxeey madax ka noqotay kana mid aheyd aas aasayaashi isbitaalki Keysaneey ee magaalada Muqdishom halkaaso ay ka suuragelisay in laga helo adeeg caafimaad oo tayo leh si bilaash ahna dadka Soomaaliyeed ku heli jireen, waxa ayna agaasime ka soo noqotay isla isbitaalka Keysaneey iyadoo sidoo kale soo noqotay xiriiriyaha caafimaadka dalka ee hey’ada bisha cas intii u dhaxeeysay 1991-2004-ti.

Waxa ay sanadkii 2001 ku soo biirtay ganacsatada Soomaaliyeed iyadoo gacan iyo taageero ka heleeysay Allaha u naxariistee aabaheed Xasan Maxamed Maxamuud “Xasan Shibis” waxa ay la soo shaqeeysay xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed oo ay u aheyd Dhaqtarka guud ee ciyaartooyda Soomaaliyeed.

Sanadki 2008-2009 waxeey la taliye sare ka soo noqotay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya oo uu xiligaasi ahaa Nuur Cadde, dowladaasi oo lagu xasuusto iney dalka ku hoggamisay dib u heshiisiin iyo heerka maanta la joogo ee dowladnimo.

Sanadkii 2006-dii waxey ka mid aheyd Drs. Mina aas’aasayaashii hey’adda nabadda iyo horumarinta ee JUMBO taasoo xiligan dalka ka wadda shaqooyin bani’aadanimo iyo kuwo horumarineed, waxaana fursado shaqo ka helay dad kor u dhaafaya 200 qofood.

2014 illaa xiligan la joogo waxeey ka tirsantahay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqun insaanka Soomaaliya iyadoo ka ah xiriiriye, waxeyna ka qeyb qaadatay oo door ku laheyd siyaasado kala duwan oo dalka loo dejiyay, sida sharciga xuquuqda caruurta, waxey sidoo kale kaaliye sare ka haeyd dejinta iyo dhameystirka qorshe howleedka ciribtirka xadgudubyada loo geysto haweenka xiliyada colaadda.

Maanta oo ah 2/10/2016 waxey si rasmi ah isugu soo taagtay musharaxna u tahay xilka xildhibaanimo ee heer qaran ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

DSCN4761 DSCN4775 DSCN4779 DSCN4780 DSCN4781 DSCN4785 DSCN4787 DSCN4789 DSCN4791 DSCN4792 DSCN4793 DSCN4794 DSCN4803 DSCN4807 DSCN4808 DSCN4810 DSCN4811 DSCN4811 DSCN4813 DSCN4817 DSCN4818 DSCN4820 DSCN4822 DSCN4813 DSCN4817 DSCN4818 DSCN4820 DSCN4822 DSCN4823 DSCN4827 DSCN4828 DSCN4829 DSCN4832 DSCN4833 DSCN4834 DSCN4838 DSCN4839

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha: “ Waxan Baydhabo u joogaa inaan dardar-geliyo hawlaha doorashada 2016 iyo xaqiijinta qoondada haweenka’’

Next Post
Madaxweynaha oo la kulmay Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha: “ Waxan Baydhabo u joogaa inaan dardar-geliyo hawlaha doorashada 2016 iyo xaqiijinta qoondada haweenka’’

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Masar

July 6, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga XFS oo socdaal shaqo ku tegay Laascaanood

July 6, 2025
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Laascaanood, xarunta...

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo la daah-furay

July 6, 2025
0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa si rasmi ah u Daah-furay Dhismaha cusub...

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

Wasaaradda Qorsheynta XFS Oo Daahfutay Daraasaad Ku Saabsan Doorka Aqoonta iyo Xirfadaha

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 06-JULY-2025- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Iyo Maalgashiga XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beene-Beene) ayaa maanta waxa uu  daahfuray daraasaad ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In