Roobka deyrta oo ku da’ay deegaanka Ceelberde iyo nawaaxigeeda ayaa sababay in ay soo laabyaan dhaq dhaqaaqa ganacsiga ee suuqa lagu iibiyo nuuctada xoolaha.
Maxamed Nuur Maxamuud iyo Maxamed Xasan Cali oo kamid ah dalaalliinta iibiya ariga iyo geela ayaa sheegay in Ariga uu yahay xoolaha igu badan ee lagu kala iibsado suuqaasi.
Dadka ayaa la sheegay in ay ku qanacsan yihiin qiimaha Ariga oo la tilmaamay in uu u dhaxeeyo 18-40 doolar, maadaama la soo mareen xiili adag oo ay keeneen abaaraha,sida uu ka dhawaajiyay Nuur Sheekh Aadan Qani waa uu ka mid yahay ganacsatada xoolaha ka iibsata Suuqa xoolaha.