Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhaqtarkii ugu waynaa Cudurrada Wadnaha ee Soomaaliya oo Geeriyooday “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Dhaqtarkii ugu waynaa Cudurrada Wadnaha ee Soomaaliya oo Geeriyooday “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dr. Axmed Maxamed Xasan oo loo yaqaanay Food-Cadde oo mudo dheer ahaa Dhaqtarka ugu wayn Wadnaha ee ka howlgala Soomaaliya kana howlgali jiray isbitaalkii Digfeer oo haatan la yiraahdo Erdogan, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Allaha u naxariistee Dr. Food-Cadde ayaa haatan wuxuu ahaa Madaxwaynaha Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliya.

Mudooyinkaan wuxuu ku xanuunsanaa isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isagoo ugu danbayntii maanta ku geeriyooday sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Gen. C/laahi Xasan Bariise oo ka mid ah ehelada Marxuumka.

Axmed Maxamed Xasan wuxu dhashay Sanadkii 1938,dii wuxuna ku dhashay  magaalada Muqdisho, Waxbarashadiisa aas-aasiga ah uu ku qaatay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu Barashadiisa heerka Jaamacadda uu ku qaatay Dalka Talyaaniga, wuxuu sidoo kale ahaa Dhaqtarkii ugu horeeyay Soomaaliya ee ku taqasuusay Cudurrada Wadnaha.

Dr. Axmed wuxuu mudo dheer ka soo shaqeeyay hay’adda ICRC iyo Hay’adda Bisha Cas oo inta uusan geeriyoon uu kahaa Madaxweynaha ugu sareeya hay’adda ee Soomaaliya.

Bilado badan oo ay ka mid ahayd Biladda ugu saraysa ee la siiyo dadka ka shaqeeya Arrimaha Bulshada ayuu ku guulaystay xiliyo kala duwan Dr. Axmed Maxamed Xasan.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka hadlay Shirka Iskaashiga Shiinaha iyo Wadamada Carabta

Next Post

Kulan looga Hadlayay Shaqo La’aanta heysa Ardayda kasoo baxda Jaamacadaha oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Next Post
Kulan looga Hadlayay Shaqo La’aanta heysa Ardayda kasoo baxda Jaamacadaha oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Kulan looga Hadlayay Shaqo La’aanta heysa Ardayda kasoo baxda Jaamacadaha oo lagu qabtay Muqdisho "Sawirro"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In