Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho waxa uu gilgilay qaluubta bulshada Soomaaliyeed, dad badan oo aan waxba galabsan ayay argagixisadu ku xasuuqeen qaraxaasi.
Hey’adda aan dowliga aheen ee ka shaqeeya gurmadka deg deg ah ayaa qeyb weyn ka qaatay daad gureenta dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi bahalnimada,
Waxaa ka mid ahaa hey’adaha gurmadkaasi sameeyay hay’adda Bisha cas ee Soomaaliyeed, hadaba doorkoodii gurmadka waxaan ka wareysanay madaxa warfaafinta iyo xariirka ee hay’adda Bisha cas Cabdiqaadir Ibraahim Caafi waxaana wareystay Wariye Cabdulqaadir Yuusuf Irshaad.
Halkaan ka dhegeyso wareysiga