Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhibane Faadumo ‘Wuu isoo wacay, isagoo ii sheegay in lacag Biil ah uu ii soo dirayo!” Dhacdo xanuun badan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Dhibane Faadumo ‘Wuu isoo wacay, isagoo ii sheegay in lacag Biil ah uu ii soo dirayo!” Dhacdo xanuun badan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hooyo Faadumo Xuseen Cali, waxay ku nooshahay Deegaanka Koonko oo 5KM u jirta Degmadda Jowhar, waa naafo heysata Labo Wiil oo Da’dooda u dhaxeysa Hal sano ilaa Labo sano, waa dhibane ninkeedii oo la yiraahdo Cabdi Ciise Cali ku weysay Xasuuqii ay Maleeshiyada Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgoyska Zoobe (KM5) ee Magaaladda Muqdisho.

Faadumo waxay Maanta soo booqatay Xarunta Gurmad qaran, halkaasi oo aan kula kulannay ayaa waxa ay sheekeysay Ujjeedada xaruntan ay u timid.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

“Waxaan baadi goob ugu jiraa seeygeyga oo lagu magaacabo Cabdi Ciise Cali ku waayey Qaraxii Zoobe ka dhacay, waxa uu ka ganacsan jiray Iibinta cadayga, Labo maalin ayuu keeni jiray Isgooyska Zoobe, maalintii Musiibada ay dhaceysay ayaana iigu war dambeysay” ayey tiri Hooyo Faadumo

Maamo Faadumo oo wajigeedu ay ka muuqatay murugo, ayaa sheegtay in qaraxa inta uusan dhicin ka hor uu lasoo xiriiray Seygeeda, islamarkaana uu u sheegay in Lacag u sarifayo, uuna addeega EVC Plus uu ugu soo dirayo.

“Waxay aheyd Labadii duhurnimo 02:OO PM, waxaa ila soo xiriiray seegeyga, waxa uu ii sheegay in lacag uu ii soo dirayo, uuna jooga goob lacagta lagu sarifo oo ku taalla sarif yaraha isgoyska Zoobe, waxaan sugayey in ay isoo gaarto lacagtii uu ii soo dirayey, saacad kadib ayaan wacay, balse nasiib darro Teleefankiisa wuu dansanaa, aniggoo yaaban ayaa waxaa maqlay in Zoobe qarax uu ka dhacay, aad ayaa u naxay, waayo halkaas ayaa ku oggaa markii iigu dambeysay illaa iyo haddana waan weysanahay!” ayey tiri Faadumo

Faadumo Xuseen Cali, ayaa codsatay in Ummadda Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowladda Soomaaliyeed in ay usoo gurmadaan, lana qeybsadaan dhibaatada, maadaama Seeygeeda uu ahaa qofka kaliya oo ay ka heli jireen Nolol maalmeedkooda.


Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ku xiggeenkiisa oo maanta booqasho ku yimid Xarunta Gurmad qaran, ayaa la kulmay Dhibane Faadumo, iygaggoo la qeybsaday Muragada, R/wasaare ayaana u balan qaaday in Xukuumadda ay ka war heyn doonto Nolosha Qoyska Faadumo.

SONNA

Previous Post

Dibad bax balaaran oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin

Next Post
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay geerida Abwaan Cali Sugule

Ra'iisul Wasaare Khayre oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In