Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhibane Faadumo ‘Wuu isoo wacay, isagoo ii sheegay in lacag Biil ah uu ii soo dirayo!” Dhacdo xanuun badan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Dhibane Faadumo ‘Wuu isoo wacay, isagoo ii sheegay in lacag Biil ah uu ii soo dirayo!” Dhacdo xanuun badan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hooyo Faadumo Xuseen Cali, waxay ku nooshahay Deegaanka Koonko oo 5KM u jirta Degmadda Jowhar, waa naafo heysata Labo Wiil oo Da’dooda u dhaxeysa Hal sano ilaa Labo sano, waa dhibane ninkeedii oo la yiraahdo Cabdi Ciise Cali ku weysay Xasuuqii ay Maleeshiyada Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgoyska Zoobe (KM5) ee Magaaladda Muqdisho.

Faadumo waxay Maanta soo booqatay Xarunta Gurmad qaran, halkaasi oo aan kula kulannay ayaa waxa ay sheekeysay Ujjeedada xaruntan ay u timid.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Waxaan baadi goob ugu jiraa seeygeyga oo lagu magaacabo Cabdi Ciise Cali ku waayey Qaraxii Zoobe ka dhacay, waxa uu ka ganacsan jiray Iibinta cadayga, Labo maalin ayuu keeni jiray Isgooyska Zoobe, maalintii Musiibada ay dhaceysay ayaana iigu war dambeysay” ayey tiri Hooyo Faadumo

Maamo Faadumo oo wajigeedu ay ka muuqatay murugo, ayaa sheegtay in qaraxa inta uusan dhicin ka hor uu lasoo xiriiray Seygeeda, islamarkaana uu u sheegay in Lacag u sarifayo, uuna addeega EVC Plus uu ugu soo dirayo.

“Waxay aheyd Labadii duhurnimo 02:OO PM, waxaa ila soo xiriiray seegeyga, waxa uu ii sheegay in lacag uu ii soo dirayo, uuna jooga goob lacagta lagu sarifo oo ku taalla sarif yaraha isgoyska Zoobe, waxaan sugayey in ay isoo gaarto lacagtii uu ii soo dirayey, saacad kadib ayaan wacay, balse nasiib darro Teleefankiisa wuu dansanaa, aniggoo yaaban ayaa waxaa maqlay in Zoobe qarax uu ka dhacay, aad ayaa u naxay, waayo halkaas ayaa ku oggaa markii iigu dambeysay illaa iyo haddana waan weysanahay!” ayey tiri Faadumo

Faadumo Xuseen Cali, ayaa codsatay in Ummadda Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowladda Soomaaliyeed in ay usoo gurmadaan, lana qeybsadaan dhibaatada, maadaama Seeygeeda uu ahaa qofka kaliya oo ay ka heli jireen Nolol maalmeedkooda.


Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ku xiggeenkiisa oo maanta booqasho ku yimid Xarunta Gurmad qaran, ayaa la kulmay Dhibane Faadumo, iygaggoo la qeybsaday Muragada, R/wasaare ayaana u balan qaaday in Xukuumadda ay ka war heyn doonto Nolosha Qoyska Faadumo.

SONNA

Previous Post

Dibad bax balaaran oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin

Next Post
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay geerida Abwaan Cali Sugule

Ra'iisul Wasaare Khayre oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In