Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta magaalada Gaalkacyo oo meel wanaagsan maraya+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta magaalada Gaalkacyo oo meel wanaagsan maraya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kadib markii Ra’Iisul wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu bixiyey lacagtii uu u balan qaaday in xukuumaddu ay uga qayb qaadanayso dhismaha garoonka kubadda cagta cabdullaahi ciise ee magaalada Gaalkacyo ayaa madaxda wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug waxa ay sheegeen in meel wanaagsan uu marayo qorshii lagu dhisi lahaa garoonka iyada oo ay ku hawlan yihiin guddi wasaaradda ciyaaraha  Galmudug u xilsaartay dhismihiisa.

Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada galmudug Cumar Cabdi Maxamed oo lahadlay wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo uusan ku oolin garoon ku wanaagsan ciyaaraha xilligaana guddiga uxilsaaran dhismaha garoonku ay ku mashquulsan yihiin meel wanaagsana  ay wax umarayaan garoomada lagu ciyaari jiray oo bacaad ahaa ayaa laga maarmayaa marka rooga la saaro garoonka

Related posts

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026

Qorshaha lagu dhisayo garoonkan oo soo bilawday sanadkii hore  ayuu Cumar Cabdi sheegay in fursad weyn ay u tahay dhalinyarada soomaaliyeed  ciyaarahana horumar laga sameeyey Galmudug maadaama uu yahay mid aad u weyn waqti dheerna lagu ciyaarayey

Garoonka cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo oo ubaahnaa dayactir waxaa ku ciyaara kooxo kala duwan oo ka jira magaalada Gaalkacyo xilliyada qaarna waxa lagu qabtaa ciyaaraha gobollada ee wasaaradda ciyaaraha Galmudug marti geliso bahda ciyaaraha ayaa sugayey in ay helaan garoon ku haboon ciyaaraha waana tallaabo dhanka horumarka loo qaaday in la hirgeliyo Garoon caalami ah magaalada Gaalkacyo.

  

Previous Post

Dhacdadii 14kii Oktoobar oo Laba Gu’ Jirsatay.

Next Post

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo diray fariin ku aadan Xuska 14-ka Oktoobar

Next Post
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo diray fariin ku aadan Xuska 14-ka Oktoobar

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo diray fariin ku aadan Xuska 14-ka Oktoobar

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In