Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhismaha Maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu heshiiyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “In Shacabkeena uu horumarka ku tartamo waa biseyl la gaarey oo lagu faani karo’’ SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay dhismaha Dowlad goboleed ay yeeshaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shirka sidoo kale waxaa ka qeybgalay madax ka socotay urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo xubno kale, waxaana lagu heshiiyay sidii looga wada shaqeyn lahaa dhismaha Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Goobta ayaa waxaa lagu soo bandhigay hanaanka loo marayo guddiga farsamada ee Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo la isku raacay in muddo 60-cisho ah lagu soo gabo gabeeyo dhismaha Maamulkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Hiraan Cabdifataax Xasan Afrax ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay qorshaha lagu doonayo dhismaha Maamul u sameynta labada gobol iyo heshiiska maanta lakala saxiixday.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa isna dhankiisa xusay inay tahay wax lagu farxo dhismaha Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, laguna heshiiyay habka loo marayo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” ayaa sheegay in Wasaaraddu ay gacan ka geysaneyso dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, isla markaana loo marayo hanaan dib u heshiisiineed, isu tanaasul iyo wadatashi lala yeelanayo qeybaha bulshada  ee labada gobol.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ugu horeyn Wasaaradda Arrimaha gudaha ugu hambalyeeyay dhismaha dowlad goboleedka Galmudug iyo sida loogu guuleystay, isgaoo xusay in Xukuumadda oo jirta muddo yar ay gaartay guul weyn, uuna soo dhaweynayo dhismaha Maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in la qaaday waddadii lagu dhameystiri lahaa nidaamka Federaalka ah, isla markaana dhismaha labada gobol ay ka turjumeyso in dowladdu ay ku talaabsatay hanaan dimoqradiyadeed iyo dowlad wanaag.

Shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la filayaa in uu rasmi ahaan u furmo bisha September kowdeeda, lana soo gabagabeeyo 1-da December, ee sannadkan 2015, markaas oo lagu wado inay dhacdo xafladda caleema saarka madaxda cusub ee maamulka la soo dhisayo.

Previous Post

Baarlamaanka oo dood kulul ka yeeshay sharciga Isgaarsiinta Qaranka

Next Post

Madaxweynaha: “In Shacabkeena uu horumarka ku tartamo waa biseyl la gaarey oo lagu faani karo’’ SAWIRRO

Next Post
Madaxweynaha: “In Shacabkeena uu horumarka ku tartamo waa biseyl la gaarey oo lagu faani karo’’ SAWIRRO

Madaxweynaha: “In Shacabkeena uu horumarka ku tartamo waa biseyl la gaarey oo lagu faani karo’’ SAWIRRO

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In