Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhismaha Maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu heshiiyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “In Shacabkeena uu horumarka ku tartamo waa biseyl la gaarey oo lagu faani karo’’ SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay dhismaha Dowlad goboleed ay yeeshaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shirka sidoo kale waxaa ka qeybgalay madax ka socotay urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo xubno kale, waxaana lagu heshiiyay sidii looga wada shaqeyn lahaa dhismaha Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Goobta ayaa waxaa lagu soo bandhigay hanaanka loo marayo guddiga farsamada ee Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo la isku raacay in muddo 60-cisho ah lagu soo gabo gabeeyo dhismaha Maamulkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Hiraan Cabdifataax Xasan Afrax ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay qorshaha lagu doonayo dhismaha Maamul u sameynta labada gobol iyo heshiiska maanta lakala saxiixday.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa isna dhankiisa xusay inay tahay wax lagu farxo dhismaha Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, laguna heshiiyay habka loo marayo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” ayaa sheegay in Wasaaraddu ay gacan ka geysaneyso dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, isla markaana loo marayo hanaan dib u heshiisiineed, isu tanaasul iyo wadatashi lala yeelanayo qeybaha bulshada  ee labada gobol.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ugu horeyn Wasaaradda Arrimaha gudaha ugu hambalyeeyay dhismaha dowlad goboleedka Galmudug iyo sida loogu guuleystay, isgaoo xusay in Xukuumadda oo jirta muddo yar ay gaartay guul weyn, uuna soo dhaweynayo dhismaha Maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in la qaaday waddadii lagu dhameystiri lahaa nidaamka Federaalka ah, isla markaana dhismaha labada gobol ay ka turjumeyso in dowladdu ay ku talaabsatay hanaan dimoqradiyadeed iyo dowlad wanaag.

Shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la filayaa in uu rasmi ahaan u furmo bisha September kowdeeda, lana soo gabagabeeyo 1-da December, ee sannadkan 2015, markaas oo lagu wado inay dhacdo xafladda caleema saarka madaxda cusub ee maamulka la soo dhisayo.

Previous Post

Baarlamaanka oo dood kulul ka yeeshay sharciga Isgaarsiinta Qaranka

Next Post

Madaxweynaha: “In Shacabkeena uu horumarka ku tartamo waa biseyl la gaarey oo lagu faani karo’’ SAWIRRO

Next Post
Madaxweynaha: “In Shacabkeena uu horumarka ku tartamo waa biseyl la gaarey oo lagu faani karo’’ SAWIRRO

Madaxweynaha: “In Shacabkeena uu horumarka ku tartamo waa biseyl la gaarey oo lagu faani karo’’ SAWIRRO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In