Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhismaha Wakaaladda Hindisaha oo meel gabo gabo ah mareysa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dhismaha Wakaaladda Hindisaha oo meel gabo gabo ah mareysa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhismaha wakaalada Hindisaha Soomaaliyeed oo dib u dhis ay ku sameysay Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya oo kaashaneysa  bulshada qaybahooda kala duwan ayaa waxa uu hadda maraa dhismaheedu heer gaba gaba ah, waxaana lagu wadaa dhawaan in xariga laga jaro Wasaaradana ay u noqoto xarun KMG ah .

Deeqdii ugu horeysay oo ka timid hay’adda SSG oo ah hay’ad iyadu taageerta dhismaha hay’adaha dowladda ayaa waxaa la wareegay Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Eng Saalax Sheekh Cismaan, deeqdaaas oo ah qalab xafiiseed kumbuyiitaro ah oo gaaraya 30 isla markaana loogu talagalay in lagu qalabeeyo xafiisyada Wasaaradda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Wasaaradda howlaha guud Eng Saalax ayaa uga mahad naqay hay’adda SSG taageeradee iyo qalabka ay guddoonsiisay, waxaana uu sheegay in wax badan uu ka tari doono habsami u socodka howlaha Wasaaradda, isagoo sidoo kale u mahad celiyay qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee iyana ka qayb qaatay dib u dhiska xarunta.

Wasiirka ayaa dhanka kale waxaa uu ka warbixiyay safar shaqo oo uu dhawaan ku tagay dalka Talyaaniga, waxaana uu Wasiir Saalax sheegay in dowladda Talyaaniga maalgashadayaal u dhashay uu la soo saxiixday heshiis ah in dalka maalgashi ay ku sameeyaan isla markaana dekada iyo garoonka ugu weyn Africa laga hirgaliyo Soomaaliya.

1 2 3 4 5 6 7

Previous Post

Akhriso Warmurtiyeedka ka soo baxay shirka Madasha Wadatashiga Qaranka

Next Post

Xuska 12-ka April oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga “SAWIRRO”

Next Post
Xuska 12-ka April oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga “SAWIRRO”

Xuska 12-ka April oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In