Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhul-gariir ku dhuftay Bariga dalka Turkiga

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Dhul-gariir ku dhuftay Bariga dalka Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhul-gariir cabirkiisu yahay 6.8 ayaa ruxay bariga dalka Turkey, halkaasi oo uu ku dilay 18 qof, islamarkaana ku dhaawacmay in ka badan 500 oo kale.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in sidoo kale la rumeysan yahay in 30 qof ay ku hoos jiraan burburka dhismooyinka.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Dhul-gariirka ayaa laga dareemay dalal ka fog Turkey, sida Falastiin, hase yeeshee wax khasaare nafeed ah ama burbur lagama soo sheegin.

Wasiirka caafimaadka Turkey, Hulusi Akar ayaa sheegay in kooxaha gurmadka ee gobollada kale loo diray halka dhul-gariirka uu ka dhacay, ayada oo ciidamadana heegan la geliyey.

Boqolaal qof ayaa guryo la’aan ah iminka, ayada oo guryahooda ay ku burbureen dhul-gariirka.

Muuqaallo TV-ga ayaa muujinayey kooxaha gurmadka oo dad dhaawac ah ka soo hoos saaraya dhismayaal burburay, degmada Gezin eee gobolka ku yaalla Bariga ee Elazig.

Magaalada Elazig ayaa waxaa lagu dilay 13 qof, halka shan qofna ay ku dhinteen magaalada Malatya. Guud ahaan 553 qof ayaa la xaqiijiyey inay dhaawac yihiin, kuwaas oo 11 ka mid ah ay xaaladdooda halis tahay.

Qiyaastii 30 dhisme ayaa ku burburay dhul-gariirka oo saameeyey laba gobol, sida uu sheegay wasiirka deegaanka Murat Kurum.

Previous Post

Kulan looga hadlayay Is-dhexgalka bulshada oo lagu qabtay degmada Boondheere+Sawirro

Next Post

The Upper House today passes the first reading of the Civil Aviation Authority Act.

Next Post
The Upper House today passes the first reading of the Civil Aviation Authority Act.

The Upper House today passes the first reading of the Civil Aviation Authority Act.

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In