Dhulgariir cabirkiisu lagu qiyaasay 7.8 Richter ayaa subaxnimadii saaka oo Arbaca ah ku dhuftay Jaziiradaha Kuril ee dalka Ruushka, sida laga soo xigtay Machadka qiimeeya Dhulgariirada iyo Sunaamida ee xaruntiisu tahay America.
Machadka ayaa sheegay in xudunta dhulgariirku ka dhacay ay tahay meel 59-km dhinaca badda kaga beegan Jaziirada Kurli, sidoo kalena qiyaastii 1400 km waqooyi-bari kaga beegan magaalada Sapporo ee dalka Japan.
Xarunta Digniinta sunamiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in aan illaa waqtigaan la ogaan karin dhibaatada uu gasytstay balse wali ay ku hawlan tahay qiimeyn ay ku samaynayso xaqiiqada rasmiga ah ee ku saabsan haddii ay jiraan khasaare ka dhashay dhulgariirkaas.
Kuril waa afar jasiiradood oo ku yaalla inta u dhaxaysa Badda Okhotsk iyo Badweynta Baasifigga, afartaas jasiiradood waxaa ku muransan Dawladahaย Ruushka iyo Japan.
Afarta jasiirad ee lagu muransanyahay waa Habomai, Shikotan, Iturovo, iyo Kunashiri, Dawladda Ruushku waxay ugu yeertaa Jaziiradahan Kuril, halka Tokyo ay ugu yeerto “dhulalka waqooyiga.”
Muranka ka taagan jasiiradahan ayaa ka hor istaagay Dawladaha Russia iyo Japan inay kala saxiixdaan heshiis nabadeed oo si rasmi ah usoo afjaraya colaadda u dhaxaysa labadaas dal oo soo taagnayd than iyo dagaalkii labaad ee adduunka, inkasta oo dib loo soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyey Tokyo iyo Moscow 1956.