Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Dhulkii la dayacay (Maqaal)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Dhulkii la dayacay (Maqaal)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dunidaan casriga ah ee maanta la joogo waxay ku loolameysa dhaqaale kaa soo inta ugu badan ku tiirsan  wax soo saarka dabiiciga sida shidaalka, saliida iyo macdanaha kale,waxaana iyadana door muhiim ah ku jira wax soo saarka beeraha oo dalba inta dhul beereedkiisu la’eg yahay ayuu ka maarma waxyabaha nolosha aas-aasiga u ah.

 

Related posts

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026

Soomaaliya waxaa alle ku galaday dhulka ugu wanaagsan wax soo saarka beeraha,waxaana mara webiyada Jubba, Shabelle iyo Daawo sidaa oo ay tahay dadka soomaaliyeed sanad walba waxaa gaajo iyo macluul u geeriyooda kumanaan kun oo u badan haween iyo caruur.

Soomaaliya waa dal hodon ah misena kamid ah dalalka ugu faqrisan dunida gaar ahaan dalalka ka hooseya saxaraha ee bariga Afrika.

Gobollada Shabellaha Hoose,  Shabellaha Dhexe, Jubbada hoose, Jubbada Dhexe, Hiiran oo  lagu daray qaybo kamid ah goboladda Togdheer, sanaag, Awdal, iyo Waqooyi galbeed waxaa ay qani ku yihiin beeraha haba ugu kala muhiimsanadaan sida webiyadu u maraan dhulka beeraleyda.

Dakhliga dalkeena waxaa uu hadda ku tiirsan yahay dhoofka xoolaha nool, kaalmada caalamka ka timaada iyo canshuuraha laga qaado badeecadaha ay soo dagsadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo ganacsigoodu yahay kaliya wax soo dajin.

Dib u bilicso dakhliga dalkeenu 1850 ilaa 1969 wuxuu ku tiirsana labo waaxyaabood oo muhiim ah mida koowaad xabkaha iyo faleynka oo naaneys looga dhigay dalkeena {dhulkii uduga} iyo magacyo kale ganacsigaas ayaa gaari jiray dalalka Shiinaha, Masar, Iiran, Hindiya iyo dalal kale oo bariga dhexe ah.

Xoolaha waa qayb kale oo muhiim u ah jiritaanka dadkeena iyo dhaqankeenaba,  ganacsigaan ayaa ahaa mid isku xiri jiray dalalka badan oo caalamka ah iyo dalkeena.

Curashadii dowladii malatariga waxaa ay badashay ku tiirsananta dakhliga halka dhinac ah,waxaana ay xoogga saartay wax soo saarka warshadaha oo waxaa la hirgaliyay warshado badan oo looga faa’iideystay in looga maarmo waxyaabihii dalkeena loo soo iibgeyn jiray iyo in Soomaaliya ay noqoto dalka isku filan waxna dunida u iib geyo.

Soomaaliya ayaa wax soo saarka beeraha meel  wanaagsan ka gaartay marka loo eego waxyaabihii aynu iib geyn jirnay iyo isku filnaanshada dhanka cunada aheed, maanta midaa ma jirto oo waxaa dalka Soomaaliya uu qayb weyn ka yahay dalalka nafaqo darida ay ubadkiisu u la’anayaan ama ay ku nool yihiin malaayiin u baahan gurmad deg deg ah oo cunadu ugu horeyso.

Waxaa hubaal ah in dadka soomalaiyeed ay yihiin dad howl kar ah wax walba oo ay u gacan qaadaan ka miro dhaliya oo han iyo qab sare leh, waxaana aaminsanahay in ay u baahan yihiin jiheyn iyo garab istaag buuxa oo ay ka helaan wasaaradaha dowladda Federaalka ee ku shaqada leh.

Maanta dowladda federaalka waxaa la gudboon xoojinta wax soo saarka beeraha  si ay xal ugu noqoto abaaraha soo noqnoqday ee sanad walba sababa gaajo iyo macluul daran oo halakeysta shacabkeena Soomaaliyeed.

W.Q: Sharma’arke Mohamed Warsame 

Previous Post

Kulanka Baarlamaanka oo maalintii 2aad looga hadlayo amniga dalka

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Xogta Xagjirka oo xambaarsan macluumaad muhiim ah

Next Post
FAALLO: Shabaab oo gubaya Gabaadkoodii ugu danbeeyay

Dhageyso Barnaamijka Xogta Xagjirka oo xambaarsan macluumaad muhiim ah

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In