Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib-uheshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda arimaha gudaha Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Galmudug iyo dowladda Federaalka.
Wasiir ku-xigeeenka Wasaaradda arimaha gudaha iyo dib-u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka waramay ujeedka socdaalkooda inuu la xiriiray arrimaha doorashooyinka, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in la dadajiyo hawlaha doorashada.
Madaxwayne ku-xigeenka Galmudud mudane Cali Daahir Ciid oo shirka soo xiray ayaa ugu horayn soo dhaweeyay Wafdiga ka socda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud, waxaa uuna ku dheeraday muhiimadda doorashada, u diyaar-garowga Galmudug ee ku aaddan howlaha doorashooyinka iyo daadajinta maamulka iyo dhismaha golaha deegaanka ee Degmooyinka Galmudug oo maraya meel wanaagsan.