Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka amniga, oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.
Shirka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga Deegaannada Galmudug, amniga caasimadda iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.
Kulanka waxaa ka qeybgalay saraakiisha Amniga ee ku sugan Galmudug, waxaana la isku afgartay in la adeeyo Nabadgelyada magaalooyinka Khawaarijta laga xoreeyay.