Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhuusamareeb oo laga  dhagax dhigay barnaamijka Olole Dadwayne oo wax looga qabanayo billicda Magaalada “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Dhuusamareeb oo laga  dhagax dhigay barnaamijka Olole Dadwayne oo wax looga qabanayo billicda Magaalada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa dhagax dhigey barnaamijka  Olole Dadwayne oo wax looga qabanayo billicda Magaalada iyo wadooyinka ku waxyeeloobey daadadkii  ka dhashey roobkii Guga ee ka da’ay Caasimada iyo nawaaxigeeda.

Guddoomiyaha Maagaalada  Dhuusamareeb oo ay Wehliyaan xubno maamulkiisa ka tirsan iyo Mas’uuliyiin kale ayaa wadajir u dhagax dhigey dhismaha wadada  Jaah oo isku xiri doonta xaafadaha Dayax iyo Hodan ee Magaalada Dhuusamareeb taa oo si is xil-qaan ah ay ku dhisayaan bulshada xaafadahaasi degan, Waxaana abaabulkan uu yahay mid xal loogu raadinayo burburka xoogan ee ka muuqda wadooyinka halbowlaha ah ee saameynta ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala gooshaya Shanta xaafadood ee Magaalada Dhuusamareeb.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha xaafada Dayax Axmed Saciid  iyo qaar ka mid ah abaabulayaasha Ololahan lagu hagaajinayo wadooyinka ayaa sheegay in dhismaha wadooyinkaan ay  muhiim utahay bulshada xaafadahaas degan.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna duqa Caasimada Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa ugu dambeyn ku amaaney Dhallinyarada iyo guddiyadda xaafadaha dhaqaajinta howshan bilaawga ah, isagoo xusey in Caasimadu u baahan tahay isbadal dhinac walba ah.

Previous Post

Turkiga oo qorshaynaya inuu yeesho Dastuur Cusub

Next Post

Maamulka Hirshabeelle oo maanta yeeshay kulan is xog wareesi ah “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Hirshabeelle oo maanta yeeshay kulan is xog wareesi ah “SAWIRRO”

Maamulka Hirshabeelle oo maanta yeeshay kulan is xog wareesi ah “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In