Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dib u milicso wixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 2 Sanno ka hor

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Dib u milicso wixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 2 Sanno ka hor
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Gobalka Banaadir oo uu xilligaasi qaraxa ka dhacay waxaa ka socday shir xasaasi ah oo looga hadlayay amniga caasimadda waxaana goobjoog ahaa dhammaan guddoomiyayaasha degmooyinka gobalka banaadir, iyadoo wax yar kadib markii uu shirka furmay gebi ahaan jawiga uu isbadalay.

Kadib markii uu qaraxa dhacay ayaa durbadiiba la xaqiijiyay geerida mas’uuliyiin lafdhabar u ahaa gobalka oo ay ka mid yihiin guddoomiyihii degmada Cabdicasiis Marwa Saba Cabdullaahi Asad, Guddoomiyihii degmada Wabeeri Mahad Cilmi,Guddoomiyaha Shangaani: Sahra Markeesi,  Lataliyaha dhanka sharciga ee Maayarka: Abukaate Xasan Maxamed Sabriye, Agaasimaha Qorsheynta deegaanka Hoose Injineer Shuuriye, Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha: Cabdullaahi Cali Dheere, Agaasimaha Nadaafadda Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane iyo howl wadeenno kale oo ka tirsanaa gobalka.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Qaraxa ayaa waxaa dhaawac xooggan uu ka soo gaaray duqii Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow, isaga oo todobaad kadib u Isbitaal ku yaalla dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawacii qaraxa ka soo gaaray.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuled ayaa guddi heer qaran ah u xil saaray in aybaaritaanno ku sameeyaan shaqsiyaadkii ka dambeyay qaraxa, cidda fududeysay iyo qorshahiisa ciiddii laheydba, iyadoo guddigan guddoomiye looga dhigay Cabdi Canshuur Xasan.

Xubnaha guddiga oo ka koobnaa 14-xubnood ayaa mudda kadib warbixin ay soo saareen ku sheegay in qaraxa ay ka dambeysay Haweeney aragga la’ oo ka tirsaneyd shaqaalaha gobalka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xus iyo duco usameeyay Shuhadadii ku Shahiiday Musiibadii maanta oo kale ka dhacday Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar 24 July 2019.

Previous Post

Xarun ka shaqeyn doonto hal-abuurka deegaanka oo laga hirgaliyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan looga hadlayay xaaladda guud la qaatay maamulka Degmada Cadale “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan looga hadlayay xaaladda guud la qaatay maamulka Degmada Cadale “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan looga hadlayay xaaladda guud la qaatay maamulka Degmada Cadale “SAWIRRO”

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In