Kumanaan shacabka reer Muqdisho ayaa maanta waxaa ay dhigeen banaan baxyo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyada Shabaab oo 14-kii bishan xasuuq ka geystay Isgoyska Zoobe oo dad badan ay ku waxyeeloobeen.
Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran waxaana la arkayay dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo ka careysan fililada guracan ee Al-Shabaab.
Dadkani oo wejiyohoodi laga dheehan karay sida ay uga soo horjeedaan dhibaatada Shabaab ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ku qotoma Shabaab dooni mayno iyo ereyo kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare, Mudanayaal ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Thaabit Cabdi Maxamed iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb qaatay dibad bax looga soo horjeeda Shabaab oo ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta ee Benaadir Stadium, halkaasi oo ay isugu soo baxeen kumanaan dad ah oo ka kala yimid 17-ka degmo ee gobolka Benaadir.