Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad baxyo ka dhan ah Madaxweyne Trump oo ka dhacay Columbus Ohio “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Dibad baxyo ka dhan ah Madaxweyne Trump oo ka dhacay Columbus Ohio “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibad baxayaal aad u badan oo kor u dhaafayay kumanaan ayaa xalay isugu soo baxay aqalka looga arimiyo magalada Columbus Ohio,  kuwaas oo ku qeylinayay ereyo ka dhan ah go’aamo uu dhawaan soo saaray Madaxweyne Trump .

Iyada oo cimiladu aad u xumayd uuna jiray qaboow aad u daran, hadana dadku saacad walba waa ay sii kordhayeen ilaa ay goobtu soo buux dhaaftay.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026

Dibad baxayaasha oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshadda Mareykanka ku nool ayaa waxa ay lulayeen boorar iyo halku dhigyo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan in Mareykanka laga mamnuuco soo galootiga, in la bar tilmaameedsado dalalka qaar, in diimaha qaar loo arko kuwo lidi ku ah ammaanka Mareykanka iyo in darbi laga dhiso xaduudda Mexico ay la wadaagto Mareykanka.

Halku dhiggyada ay wateen waxaa ka mid ahaa. Mareykan waa dhulkii soo galootiga, Darbi Maya, Xayiraad Maya, Qaxootiga waan ku soo dhaweynaynaa dalkeena,  Nacayb maya, Kala sooc maya, Midnimo Haa. Qooysaska hakala geeyn, Awoodda dadkaa iska leh iyo kuwo kale oo badan.

Mudo markii ay joogeen barxada weyn ee aqalka looga arimiyo Columbus waxa ay u dareereen Maxkamada gobolka oo ay iyana horteeda taagnaayeen in cabaar ah.

Waxaa cariiri noqday in gaadiidku ay isticmaalaan waddooyinkta bartamaha Columbus, maadama kumanaan dad weynaha ah ay wadooyinka socod ku marayeen.

Ciidanka booliska ayaa aad ammaanka u sugayay iskuna dayay in xaaladda ammaan aysan wax saamayn ah ku yeelan dibadbaxyadani.

Inkasta oo ay Soomaali dhallinyaro u badan ka soo qeyb galeen hadana wey adkeyd in ay Soomaalidu si fudud iskugu arkaan goobta banaanbaxa maxaa yeelay waxa qariyay tirada dadka kale oo marka loo eego Soomaalidu ay noqonayaan tiro aan la sheegi karin.

Banaanbaxan oo qeyb ka ah banaanbaxyo hareeyay Mareyanka tan iyo markii la doortay Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump waxa ay muujinayaan sida dalka Mareykanka uu u yahay dalkii soo galootiga.

Lama oga inta ay sii socon doonaan banaanbaxyadani waloow ay jiraan dad aaminsan in la sii wado inta laga helayo isbadal markale uu ku dhawaaqo Madaxweyne Trump.

Columbus Trump Immigration Ban Protest Day 2 013017 columbus-nobannowallprotest3 IMG_2775 IMG_2777 IMG_2779 IMG_2780 IMG_2783 IMG_2784 IMG_2785 IMG_2789 IMG_2793 IMG_5259_0 Screen Shot 2017-01-31 at 1.21.00 PM Screen Shot 2017-01-31 at 1.21.18 PM Screen Shot 2017-01-31 at 1.21.32 PMBashiir Taajir & Deeqo SONNA

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, khubaro...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa....

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

January 20, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika. Munaasabadda oo...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

January 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha Ururka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In