Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Digreeto Madaxweyne oo lagu dalacsiiyay Taliyaha ciidanka booliska “Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Digreeto Madaxweyne oo lagu dalacsiiyay Taliyaha ciidanka booliska “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha  ciidanka  Booliska Soomaaliyeed  Maxamed  Sheekh  Xasan  Xaamud ayaa maanta  loo dalacsiiyay darajada Sareeya Gaas kaddib  digreeto  ka soo  baxday xafiiska  Madaxweeynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo uu ahaa Taliyaha sareeyo guuto.

Munaasabada  lagu dalacsiiyay Taliyaha ciidanka booliska ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan labada gole ee dawlada Soomaaliya, saaraakiisha ciidamada booliska, AMISOM, kooxda  baanbayda ciidanka booliska iyo qaybaha bulshada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiirka Amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed  ayaa  munaasabada  ka akhriyay  wareegtada  lagu  dalacsiiyay  Taliyaha  ciidanka booliska, isagoo u xiray darajada uu u dalacay ee Sareeya gaas waxaana uu yiri

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, markii uu arkay Qodobka 87aad, farqadda 1aad Xaraf “C” iyo farqadda 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Markuu arkay Qodobka 90aad, Xarafka “B” ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Markuu arkay sharci Lambar 2 ee soo baxay 23/12/1973 kuna saabsan dhismaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Markuu tixgeliyay soo jeedinta ee Wasiirka Amniga ee ahaa in la dalacsiiyo hal darajo, markuu uu garwaaqsaday mudnaanta uu sargaalkani mudanyahay in ka ladalacsiiyo,waxa uu soo saaray xeerkan uu ku dalacsiinayo Maxamed Sheekh Xasan Xaamud in uu u dalacsiiyay darajada Sareeya Gaas” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.

Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tan iyo intii loo magacabay hogaanka Boliiska Soomaaliya waxaa uu muujiyay karti iyo waxqabad isagoo horumarin ku sameeyay qeybaha kala duwan Boliiska.

Waxaa kaloo Sareeye Gaas Maxamed Sheekh wax ka qabtay amaanka Magaalada Muqdisho iyo isku xirka Ciidamada Boliiska kuwa jooga Caasimadda iyo Gobolada dalka.

32 BH0A9084 BH0A9088-1 BH0A9111 BH0A9364 BH0A9366 BH0A9380 BH0A9381 BH0A9385 BH0A9387 BH0A9391 BH0A9414

Previous Post

Ra’iisul Cumar Cabdirashiid oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In