Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diyaarad sidda qaxooti Soomaaliyeed oo ku soo wajahan Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Diyaarad sidda qaxooti Soomaaliyeed oo ku soo wajahan Muqdisho

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo ay ku soo daad gureyneyso Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku xaniban, iyadoo saaka lagu wado inay Muqdisho soo gaaraan.

Diyaaradaan ayaa la filayaa iney magaalada Muqdisho keento Qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya 145-ruux, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin dad liito oo aanan awoodin inay badda soo maraan.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Qunsul ku-xigeenka Soomaaliya ee Yemen Xuseen Xaaji, ayaa sheegay in Diyaaradan ay soo qaadeyso dadkaasi, wuxuuna tilmaamay in magaalada Muqdisho la keenayo oo Dowladda Soomaaliya iyo guddiga samata bixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ay ku soo dhaweynayaan garoonka Muqdisho.

Xuseen ayaa tilmaamay Dowladda oo kaashanaysa Hay’adda IOM inay suuragal ka dhigtay in dadkaan lasoo qaado, waxaana dhanka kale uu sheegay in maanta waqti dheeraad ah oo xabad joojin ah Yemen ay ka dhaqangalayso.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdi Wali, ayaa Khamiistii sheegay in maanta oo Isniin ah Muqdisho Dowladda ay keenayso 145-ruux oo Qaxooti Soomaali ah, kadib markii Dowladda ay arintaasi dadaal dheeri ah ku bixisay.

Guddiga badbaadinta Qaxootiga Soomaaliyeed oo xalay kulan loogu gurmanayo Qaxootiga ku qabtay xarunta Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in ay wadaan dadaallo ku aadan sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa qaxootiga ka soo laabanaya Yemen.

Previous Post

Maamulka Degmada Baraawe oo codsaday in laga caawiyo arrimaha caafimaadka

Next Post

Guddoomiye Muungaab oo qoysas laga kiciyay 21-ka October ku wareejiyay dhul ay degaan “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Muungaab oo qoysas laga kiciyay 21-ka October ku wareejiyay dhul ay degaan “SAWIRRO”

Guddoomiye Muungaab oo qoysas laga kiciyay 21-ka October ku wareejiyay dhul ay degaan “SAWIRRO”

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In