Dalka Syria ayaa ku soo dhacday Diyaarad nooca dagaalka ah Sukhoi-25 oo ay leeyihiin ciidamada dalka Ruushka,taasi oo lagu soo ridey gobolka Idlib Waqooyi Galbeed dalka Syria,halkaa oo ay ka taliyaan mucaaradka dowlada Siiriya.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Difaaca Dalka Ruushka ayaa lagu sheegay in duuliyihii diyaarada uusan ku dhiman burburka diyaarada balse ay dileen dagaalyahanada ka taliya deegaankaas.
Kooxaha Hayat Tahrir al-Sham oo hore lala xiriiriyo al-Qaacida ayaa sheegatay inay soo ridey diyaaradan dagaalka ah ee laga leeyahay dalka Ruushka,xili ay Dowlada Siiriya oo taageero ka heleyso diyaaradaha dagaalka Ruushka ay bilowday dagaalo ay la galeen mucaaradka bishii December gobolka Idlib.
Diyaarada la soo ridey ayaa la sheegay in ay ku jirtey weerar duqeyn ah oo ay ku qaadeysay magaalada Maasaran ee gobolka Idlib,iyadoo 24kii saacadood ee la soo dhaafay ay diyaaradaha Ruushka ka wadeen duqeyn gobolka Iblib sida ay sheegeen kooxaha la socoshada dalka Siiriya