Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diyaaradda Air Uganda oo duullimaad toos ah ka billowday Soomaaliya+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Diyaaradda Air Uganda oo duullimaad toos ah ka billowday Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkadda Diyaaradaha ee Air Uganda ayaa Maanta oo Khamiis ah duulimaad toos ah ka billowday Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

Xaflad lagu daahfuray duulimaadka ay Diyaaradda Uganda Airlines ka sameyn doonto Magaalooyinka Muqdisho iyo Kampala ayaa Saaka lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Daah furka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda XFS Cabdulqaadir Axmed Kheyr, Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare, Cabdullaahi Goodax Barre iyo qaar ka mid ah Safiirrada Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya..

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre, ayaa bogaadiyay duullimaadka ay shirkadda Uganda Air ka billowday Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay tallaabadani fursad weyn u tahay Gacansatada Soomaaliyeed, Shacabka, Ciidanka AMISOM iyo bahda waxbarashada ee ay wasaaraddiisu hormuudka ka tahay.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda XFS Cabdulqaadir Axmed Kheyr, ayaa sidoo kale u mahad celiyay Dowladda Yugaandha, madaxda shirkadda Diyaarada Air Uganda iyo Dadkii ka shaqeeyayba, wuxuuna sheegay in ay tani fursad weyn u tahay Shacabka iyo Ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo markii ay ka ambabaxaan Muqdisho si toos ah u tegi doono Dalka Yugaandha.

horay ayay 2013 kii Uganda Airlines duulimaaadka uga billowday Muqdisho, waxaana uu hakad ku yimid safarradii ay Soomaaliya ku iman jirtay Air Uganda arrimo dhaqaale awgood, iyadoo ay haatan joogtayn doonto shirkadda Air Uganda duullimaadyadeeda Muqdisho.

Previous Post

Pakistan oo tijaabisay gantaalada casriga ah ee balaastikada.

Next Post

Madaxweynaha K/Galbeed oo guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka koonfur galbeed+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha K/Galbeed oo guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka koonfur galbeed+Sawirro

Madaxweynaha K/Galbeed oo guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka koonfur galbeed+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In