Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diyaaradda Jubba oo qaadatay taarikada Six Oscar-ka

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Diyaaradda Jubba oo qaadatay taarikada Six Oscar-ka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaaradda Jubba Airways ayaa maanta lagu dhejiyay taarikada Six Oscar-ka Soomaaliyeed waxaana munaasabada ka soo qeyb galay Maareeyaha Guud ee Maamulka Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Adeegga Diyaaradaha Soomaaliyeed, Agaasimaha, kan Maamulka Guud iyo Howl-wadeennada Shirkadda Jubba Airways.

Cabdiraxiin Cusmaan Dhimbil, Maamulaha Jubba Airways, Saciid Xaaji Cabdulle, agaasimaha Jubba Airways iyo duuliye Cabdilaahi Xaashi, oo hadallo ka jeediyay halkaasi kadib hanashada taarikada Six Oscar-ka ayaa muujiyay farxad mahadcelin intaba ka muujiyay guusha ay maanta Jubba Airways gaartay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Diyaaradaha Soomaaliyeed Xasan Xaashi iyo Maxamed Khaliif, taliyaha Boliiska dhinaca Terminal-ka ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray Shirkadda iyo milkiilayaasha iska leh ee Jubba Airways.
Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Haya’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo bixiyay rusqadda ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee laga soomaray, isagoo ku tilmaamay Guul gobanimo leh.

Diyaaradaha ay leeyihiin maalqabeenno Soomaaliyeed oo isaga kala gooshi jiray gudaha iyo dibedda ayaa sanadkii hore billaabay qaadashada taarikada aqoonsiga Six Oscar oo uu wehliyo leesinka duuliyeyaasha taasi oo muujinaysa Summadda Dalkeena ee gaadiidka Hawada caalamka.

Previous Post

Howl-galo ka dhan ah argagixisada Al-shabaab oo ka dhacay Gobolka Mudug

Next Post

DF Itoobiya oo eedeyn culus u jeedisay madaxa hey’adda caafimaadka aduunka ee WHO

Next Post
DF Itoobiya oo eedeyn culus u jeedisay madaxa hey’adda caafimaadka aduunka ee WHO

DF Itoobiya oo eedeyn culus u jeedisay madaxa hey'adda caafimaadka aduunka ee WHO

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In