Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Donald Trump oo Patrick Shanahan si KMG ah ugu magacaabay wasaaradda Gaashaandhigga

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Donald Trump oo Patrick Shanahan si KMG ah ugu magacaabay wasaaradda Gaashaandhigga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cadaadiyay Mr James Mattis wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dalkaasi Mareykanka oo dhawaan is casilay in uu dhaqsi xafiiska u baneeyo,iyadoo ujeedka uu yahay in la buuxiyo jagadaasi uu ka tagay.

James Mattis Xoghayihii Difaaca Mareykanka oo 68 jir ahaa ayaa Jimcihii la soo dhaafay xilka ka degey kadib markii uu sii fogaaday khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay labada dhinaca,madaxweynaha iyo isaga,kaasi oo salka ku hayay arrimo ay kamidka yihiin miisaaniyadda dhinaca Difaaca dalkaasi.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Mr James Mattis  oo la filayay in uu xilka wareejiyo bisha February ee sanadka cusub ayaa lagu qasbay in uu banneeyo xafiiska gebi ahaanba bisha January ee sanadka soo socda,iyadoo xilkaasi si KMG uu u qaban doono kuxigeenkii xoghayihii Difaaca ee Dalkaasi Mareykanka oo uu magacaabay madaxweyne Trump.

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu madaxweyne Trump kaga waramay isbedelkaasi lagu sameynayo hoggaanka sare ee wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo in xoghaye kuxigeenkeeni ee Difaaca oo aad u qibradda badan Patrick Shanahan uu xilka wasaaradda Gaashaandhiga ula wareegi doono si KMG ah,laga bilaabao bisha January 1-deeda, Patrick Shanahan  wuxuu leeyahay qibrada ku filan oo horey ugu soo shaqeeyay sida xukigeenka Difaaca,wuxuu noqon doonaan qof wanaagsan”. Ayuu yiri madaxweyne Trump.

Patrick Shanahan  oo 56 jir ah ayaa ku so biiray wasaaradd a Gaashaandhiga dalkaasi,sanadkii 2017 kadib markii kuxigeen ahaan uu u magacaabay madaxweyne Donalda Jey Trump,oo horey uga mid ahaa saraakiisha fulinta howlaha ciidanka cirka ee dalkaasi ayaa ku soo biiray xarunta.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post

Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida oo xukun dil ah ku fulisay Dhagar Qabe ka tirsan Al-Shabaab

Next Post
WAR DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida oo xukun dil ah ku fulisay Dhagar Qabe ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In