Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Donald Trump oo Patrick Shanahan si KMG ah ugu magacaabay wasaaradda Gaashaandhigga

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Donald Trump oo Patrick Shanahan si KMG ah ugu magacaabay wasaaradda Gaashaandhigga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cadaadiyay Mr James Mattis wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dalkaasi Mareykanka oo dhawaan is casilay in uu dhaqsi xafiiska u baneeyo,iyadoo ujeedka uu yahay in la buuxiyo jagadaasi uu ka tagay.

James Mattis Xoghayihii Difaaca Mareykanka oo 68 jir ahaa ayaa Jimcihii la soo dhaafay xilka ka degey kadib markii uu sii fogaaday khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay labada dhinaca,madaxweynaha iyo isaga,kaasi oo salka ku hayay arrimo ay kamidka yihiin miisaaniyadda dhinaca Difaaca dalkaasi.

Related posts

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026

Mr James Mattis  oo la filayay in uu xilka wareejiyo bisha February ee sanadka cusub ayaa lagu qasbay in uu banneeyo xafiiska gebi ahaanba bisha January ee sanadka soo socda,iyadoo xilkaasi si KMG uu u qaban doono kuxigeenkii xoghayihii Difaaca ee Dalkaasi Mareykanka oo uu magacaabay madaxweyne Trump.

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu madaxweyne Trump kaga waramay isbedelkaasi lagu sameynayo hoggaanka sare ee wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo in xoghaye kuxigeenkeeni ee Difaaca oo aad u qibradda badan Patrick Shanahan uu xilka wasaaradda Gaashaandhiga ula wareegi doono si KMG ah,laga bilaabao bisha January 1-deeda, Patrick Shanahan  wuxuu leeyahay qibrada ku filan oo horey ugu soo shaqeeyay sida xukigeenka Difaaca,wuxuu noqon doonaan qof wanaagsan”. Ayuu yiri madaxweyne Trump.

Patrick Shanahan  oo 56 jir ah ayaa ku so biiray wasaaradd a Gaashaandhiga dalkaasi,sanadkii 2017 kadib markii kuxigeen ahaan uu u magacaabay madaxweyne Donalda Jey Trump,oo horey uga mid ahaa saraakiisha fulinta howlaha ciidanka cirka ee dalkaasi ayaa ku soo biiray xarunta.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post

Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida oo xukun dil ah ku fulisay Dhagar Qabe ka tirsan Al-Shabaab

Next Post
WAR DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida oo xukun dil ah ku fulisay Dhagar Qabe ka tirsan Al-Shabaab

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In