Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dood Cilmiyeed loogu hadlayay iska dhexgalka bulshada oo lagu qabtay Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dood Cilmiyeed loogu hadlayay iska dhexgalka bulshada oo lagu qabtay Koonfur Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Doodani oo lagu qabtay magaalada Pretoria ayna iska kaashadeen Safaaradaha Soomaaliya iyo Sweden ee Dalka Koonfur Afrika, loogana hadlayay iska dhexgalka bulshada gaar ahaan Soomaalida Koonfur Afrika iyo dadka South Africanka iyo waliba sida ay Soomaalida ganacsiga ku leh dalkan u soo kordhiyeen Horumar iyo in laga bartaa khibradda ay u leeyiihiin ganacsiga, ayaa ka qeybalay labada Safiir ee Soomaaliya iyo Sweden, qaar ka mid ha madaxda labada Safaaradood, xubno ka socda Wasaaradda Arimaha Dibadda  Koonfur Afrika, qaar mid ah ganacsatada Soomaalida, Xubno matalayay Ururada bulshada, Khuburo ka socotay Dalka Sweden iyo marti sharaf kale.

Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya K/Afrika Danjire   Anders Hagelberg  oo furay shirka ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay Safaaradda Soomaaliya oo qeyb weyn ka qaadatay qabashada doodani, waxa uuna sheegay in shirkani muhiim yahay, Soomaalida ay yihiin dad maskax furan  oo mudan in laga bartaa habka ay ganacsiga u sameeyaan, isagoo carrabka ku dhuftay in Soomaalida Sweden ku dhaqan ay yihiin bulsho ka dhexmuuqata shucuubta kale inkastoo aan ganacsi la mid ah kan K/Afrika sameynin.

Related posts

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026

“Marka ugu horeysa waxa loo baahanyahay in la fahmaa waa in is dhexgalka bulshada la bartaa waxaan sidoo kale hadlayaa dhinaca dhaqaalaha,maanta waxaan rabnaa inaan fahano sida wax loogu baran lahaa Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika dhinaca ganacsiga ugu baran lahaayeen Soomaalida degan Sweden”ayuu yiri Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Koonfur Afrika.

Cabdifitaax Sheekh Maxamed Xikam oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaalida Koonfur Afrika oo qeyb ka ahaa martidii kasoo qeybgashay kana hadlay baartiaan uu horey ugu sameeyay ganacsiga iyo ganacstada Soomaalida ayaa si weyn ugu hadlay sida ay Soomaalida u abuuraan ganacsiga iyo horumarka ay kusoo kordhiyeen dalkani.

Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow ) oo ka mid ahaa marti sharaftii lagu casuumay madasha ayaa si weyn ugu hadlay Soomaalida Qurbaha iyo horumarka ay ka sameeyeen dalalka magangalayada siiyay.

“Soomaalida waa dad u maskax furan leh hal abuurka ganacsi, iyagoo mararka qaar la kulma caqbado,waa dad ku wanaagsan xaga iskaashiga sidoo kale waxa ay abuuraan fursado iyo ganacsiyo yar yar meelaha tuulooyinka ee South Africa”ayuu yiri Eng Yariisow.

Qaar ka mid ah ganacstada Soomaalida ee soo galay K/Afrika sanado badan ka hor ayaa iyagane dhankooda sheegay in Soomaalida ay kasoo bilaabaan ganacsigooda meel hoose ugu dambeyntiina ay noqdaan dad wax la qeybsada bulshada inteeda kale.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika Danjire Jamal Maxamed Barrow oo isna halkaasi qudbad ka jeediyay waxa uu u mahadceliyay Safaaradda Sweden iyo  kasoo qeybgalaayasha,waxa uuna sheegay in Soomaalida dalkaan kusoo kordhiyeen horumar wanaagsan oo la taaban karo.

“Waxaan dhiiragalinaynaa dadkeena ganacsatada ah inay dhexgalaan dadka deegaanka u dhashay,ha noqoto kuwa leh ganacsiga yar yar ama kuwa waaweyn ayna la wadaagaan khibradooda,waxaan Dowladda Koonfur Afrika iyo Shacabkooda u sheegaynaa in ganacsatada Soomaalida ay si dadban u wax ugu soo kordhiyaan iyagoo abuuraya fursado bixiyanaya canshuuraha.ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.

Doodan  oo socotay  hal maalin ayaa kusoo idlaaday jawi wanaagsan iyagoo dadkii kasoo qeybgalay madashad Shirka ay wadaageen fikirado kala duwan oo wax ku ool ah.

IMG_0234 IMG_0235 IMG_0242 IMG_0243 IMG_0266 IMG_0274 IMG_0278 IMG_0280 IMG_0286 IMG_0289 IMG_0294 IMG_0307 IMG_0331 IMG_0332 IMG_0335 IMG_0343

C/qaadir Axad,Warbaahinta Qaranka Pertoria.


 

Previous Post

Wasaaradda haweenka oo qabatay kulan looga tashanayay sharciga ka hortaga xadgudubyada kufsiga “SAWIRR”

Next Post

Madaxweynaha oo furay shir ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha oo furay shir ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha oo furay shir ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In