Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dood Cilmiyeed loogu hadlayay iska dhexgalka bulshada oo lagu qabtay Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dood Cilmiyeed loogu hadlayay iska dhexgalka bulshada oo lagu qabtay Koonfur Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Doodani oo lagu qabtay magaalada Pretoria ayna iska kaashadeen Safaaradaha Soomaaliya iyo Sweden ee Dalka Koonfur Afrika, loogana hadlayay iska dhexgalka bulshada gaar ahaan Soomaalida Koonfur Afrika iyo dadka South Africanka iyo waliba sida ay Soomaalida ganacsiga ku leh dalkan u soo kordhiyeen Horumar iyo in laga bartaa khibradda ay u leeyiihiin ganacsiga, ayaa ka qeybalay labada Safiir ee Soomaaliya iyo Sweden, qaar ka mid ha madaxda labada Safaaradood, xubno ka socda Wasaaradda Arimaha Dibadda  Koonfur Afrika, qaar mid ah ganacsatada Soomaalida, Xubno matalayay Ururada bulshada, Khuburo ka socotay Dalka Sweden iyo marti sharaf kale.

Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya K/Afrika Danjire   Anders Hagelberg  oo furay shirka ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay Safaaradda Soomaaliya oo qeyb weyn ka qaadatay qabashada doodani, waxa uuna sheegay in shirkani muhiim yahay, Soomaalida ay yihiin dad maskax furan  oo mudan in laga bartaa habka ay ganacsiga u sameeyaan, isagoo carrabka ku dhuftay in Soomaalida Sweden ku dhaqan ay yihiin bulsho ka dhexmuuqata shucuubta kale inkastoo aan ganacsi la mid ah kan K/Afrika sameynin.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026

“Marka ugu horeysa waxa loo baahanyahay in la fahmaa waa in is dhexgalka bulshada la bartaa waxaan sidoo kale hadlayaa dhinaca dhaqaalaha,maanta waxaan rabnaa inaan fahano sida wax loogu baran lahaa Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika dhinaca ganacsiga ugu baran lahaayeen Soomaalida degan Sweden”ayuu yiri Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Koonfur Afrika.

Cabdifitaax Sheekh Maxamed Xikam oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaalida Koonfur Afrika oo qeyb ka ahaa martidii kasoo qeybgashay kana hadlay baartiaan uu horey ugu sameeyay ganacsiga iyo ganacstada Soomaalida ayaa si weyn ugu hadlay sida ay Soomaalida u abuuraan ganacsiga iyo horumarka ay kusoo kordhiyeen dalkani.

Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow ) oo ka mid ahaa marti sharaftii lagu casuumay madasha ayaa si weyn ugu hadlay Soomaalida Qurbaha iyo horumarka ay ka sameeyeen dalalka magangalayada siiyay.

“Soomaalida waa dad u maskax furan leh hal abuurka ganacsi, iyagoo mararka qaar la kulma caqbado,waa dad ku wanaagsan xaga iskaashiga sidoo kale waxa ay abuuraan fursado iyo ganacsiyo yar yar meelaha tuulooyinka ee South Africa”ayuu yiri Eng Yariisow.

Qaar ka mid ah ganacstada Soomaalida ee soo galay K/Afrika sanado badan ka hor ayaa iyagane dhankooda sheegay in Soomaalida ay kasoo bilaabaan ganacsigooda meel hoose ugu dambeyntiina ay noqdaan dad wax la qeybsada bulshada inteeda kale.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika Danjire Jamal Maxamed Barrow oo isna halkaasi qudbad ka jeediyay waxa uu u mahadceliyay Safaaradda Sweden iyo  kasoo qeybgalaayasha,waxa uuna sheegay in Soomaalida dalkaan kusoo kordhiyeen horumar wanaagsan oo la taaban karo.

“Waxaan dhiiragalinaynaa dadkeena ganacsatada ah inay dhexgalaan dadka deegaanka u dhashay,ha noqoto kuwa leh ganacsiga yar yar ama kuwa waaweyn ayna la wadaagaan khibradooda,waxaan Dowladda Koonfur Afrika iyo Shacabkooda u sheegaynaa in ganacsatada Soomaalida ay si dadban u wax ugu soo kordhiyaan iyagoo abuuraya fursado bixiyanaya canshuuraha.ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.

Doodan  oo socotay  hal maalin ayaa kusoo idlaaday jawi wanaagsan iyagoo dadkii kasoo qeybgalay madashad Shirka ay wadaageen fikirado kala duwan oo wax ku ool ah.

IMG_0234 IMG_0235 IMG_0242 IMG_0243 IMG_0266 IMG_0274 IMG_0278 IMG_0280 IMG_0286 IMG_0289 IMG_0294 IMG_0307 IMG_0331 IMG_0332 IMG_0335 IMG_0343

C/qaadir Axad,Warbaahinta Qaranka Pertoria.


 

Previous Post

Wasaaradda haweenka oo qabatay kulan looga tashanayay sharciga ka hortaga xadgudubyada kufsiga “SAWIRR”

Next Post

Madaxweynaha oo furay shir ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha oo furay shir ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha oo furay shir ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

May 11, 2026
0

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay bannaanbax ay ku muujinayeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In