Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dood ku saabsan doorka Bulshada Rayidka ah ee hanaanka dhismaha dowladnimmada oo  lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Dood ku saabsan doorka Bulshada Rayidka ah ee hanaanka dhismaha dowladnimmada oo  lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Doodaan oo ay ka qayb galeen madaxda bulshada rayidka ee dalka, aqoonyahanada  iyo qaybaha kala duwan ee bulshada a oo ay soo qaban qaabisay madasha Kulan forum ee aragti is waydaarisga (Kulan Forum for ideas and debates) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Cinwaanka dooda oo ahaa  Xoojinta Doorka Bulshada Rayidka ah ee hanaanka dhisida Dowladnimmada Soomaaliya, ayaa waxa qayb ka ah martidii kasoo qeyb gashay.

Related posts

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026

Cusmaan  Muxayadiin Macalim (Shaatax) -Guddoomiyaha Ururda Bulshada Rayidka  ee Soomaaliyeed.

Xildhibaan Fowziya Yusuf  Xaaji Adan, ahna  Guddoomiyaha xisbiga National Democratic Party.

 Batoole Sheekh Ahmed Gable– Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Mudane Yusuf Hassan Mursal– Saxafi rugcadaa  ah.

Guddoomiyaha Madasha Kulan forum for ideas and debates C/qaadir  Axmed Shirwac  oo madasha furay ayaa sheegay  sababaha ay u fureen madasha in ay tahay in la helo fagaaro lagu sameeyo  doodo dhaxalgal u noqda isla hanaqaadka qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed

“ Madashan ma ah mid cid si gaar ah u leedahay ee waa madal loo sameeyay in dhamaan qaybaha kala duwan iyo mowdooyocda heer qaran ee xal u baahan lagaga wada hadlo Waxaan rabnaa in aan horseedno dhaqan wadahadal madani ah  in lagu xaliyo dhammaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha dalkeena ka jira” ayuu yiri Guddoomiyaha Madasha Kulan.

Maadaama bulsho ra’yid ah oo xoog leh ay muhiim u tahay hanaanka dib u dhiska hay’adaha kala duwan ee dalka waxaa madaxda ururda bulshada rayidka ah lagu taliyay in ay doorkooda xoojiyaan.

“ Bulshada Rayidka ah ayada ayaa laga rabaa in ay qayb ka noqoto ajandaha dalka, ma ah in ay dawladda ku dhahaan hana lagu daro ajandaha, waa in ay qayb firanficoon ka qaataan ayagu” waxaa sidaasi tiri Xildhibaan Fowziya  Yusuf Xaaji Adan.

Guddomiyaha ururada bulshada rayidka ee Soomaaliyeed Cusmaan  Muxayadiin Macalim ayaa isna dhiniciisa sheegay in ay diyaar u yihiin, qorshana ka sameeyeen siddii loo xoojin lahaa  kobcinta doorka bulshada rayidka ee dhammaan qaybaha kala duwan ee dalka.

Marwo Batuulo Sheekh Ahmed Gabale- Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa iyaduna dhinceeda soo dhawaysay in dib boorka looga jafo doorka bulsho ra’yid ah si ay qayb laxaad leh uga qaadato dhamaan arrimaha dalka ka jira.

Yuusuf Xasan Mursal oo ah Qabiir saxaafadeed waxaa uu tilmaamay in bulshada rayidku ay taariikh ahaan door xooggan ku lahaayeen dhisida dowladnimmada waqtigaaan looga baahan yahay in doorkoodii ay qaataan.

Wadahadal bulsho oo miradhal ah iyo xoojinta doorka bulshada rayidka  ayaa la isku raacaay in xooga la saaro.

Madasha Kulan waxay xoogga saaraysaa siddii loo heli lahaa wadahadal bulsho oo horseeda dhaqan bulsho oo dulqaad iyo wax soo saar maskaxeed qiimeeya.

 

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in ay baarayaan qasaarihii ka dhashay Debkiii Xalay ka kacay Bakaaraha iyo wixii dhaliyay

Next Post

Qeybaha bulshada oo ka shiray Ceel laga qadayo duleedka degmada Xudur

Next Post
Dhageyso: Sida Ciida looga diyaar garoobayo Magaalada Xudur

Qeybaha bulshada oo ka shiray Ceel laga qadayo duleedka degmada Xudur

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In