Doorashada Xubnaha Aqalka sare u matalaya Koonfurgalbeed ayaa maanta ka bilaabaneysa magaalada baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya.
Dhageysiga khudbadaha musharixiinta aqalka sare oo shalay lagu soo gabo gabeeyay magaalada Baydhabo, ayaa waxaa ku tartamaya 18 musharax, kuwaasi oo u taagan qabashada xilka baarlamaanka Aqalka sare ee dalka.
Ilaa iyo sideed mudane ayaa looga baahanyahay inay ku soo baxaan kuraasta baarlamaanka aqalka sare ee dalka.