Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa goordhow ka bilaabatay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.
Xilka guddoomiyaha golaha wakiilada Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamaya laba mudane oo ka tirsan xildhibaannada kuwaas oo lagu kala magacaabo.
Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) waxaana hadda socota tirinta codadka.