Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada madaxweynaha dalka Madagascar oo maanta dhacaysa

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Doorashada madaxweynaha dalka Madagascar oo maanta dhacaysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadweynaha Reer Madagascar oo lagu qayaasayo ilaa 10 milyen ayaa lagu wadaa in maanta ay u dareeraan goobaha codbixinta doorashada,si ay madaxweyne cusub u doortaan.

 

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026

Waxaa la sheegaya in Ololaha doorashada ay tahay mid u dhaxeeysa labo musharax oo kala ah Marc Ravalomanana iyo Andry Rajoelina,kuwaasi oo labadoodiba horey xilal uga soo qabtay dalkaasi Madagascar.

Mushraxa lagu magacaabo Marc Ravalomanana ayaa madaxwaynaha Madagascar loo doortay 2002, balse waxaa xukunka laga qaaday ka dib markii ay dalkaasi ka dhaceen dibadbaxyo is xig-xigay oo uu horkacayay Andry Rajoelina sanadka markuu ahaa 2009.

Xiligaasi waxaa dalka Madagascar  madaxweyne ka noqday Andry Rajoelina oo markaasi ahaa duqa caasimadda Antananarivo,taasi oo ka dhigaysa in labada loolamaysa ay waxbadan ka yaqaaniin siyaasadda dalkaasi.

Beesha caalamka ayaa ayaa Labadan musharax ka mamnuucday in ay ka qaybgalaan tartankii doorashadii 2013,iyadoo xiligaasi laga walaacsanaa qalalaasiyo siyaasadeed ay dalkaasi ka dhacaan,balse Marc Ravalomanana iyo Andry Rajoelina ayaa haatan ku loolamaya xilka madaxtinimo ee dalkaasi.

Doorashadan ayaa ah wareegii labaad,waxaana Wareegii hore ee doorashada ee la qabtay 7 bishii November ee sanadkan, Andry Rajoelina uu ka galay kaalinta koowaad isaga oo helay 39% halka Marc Ravalomanana uu kaalinta labaad soo galay isaga oo helay 35% codadkii la dhiibtay

Waxaa lagu soo waramaya in dadka Codbixiyayaasha wareegii hore ee doorashada aan codkooda dhiiban ay tiradoda ahayd 45%,waxaana laga walwalsanyahay mushkilado siyaasadeed maadaama dadka u dhoon dolool arrimaha siyaasadda Madagascar ay sheegayaan in aan la filan Karin wax isbedelo ah.

Previous Post

Wasiirka Cadaalada XFS oo Furay shirka wada tashiga istaraatiijiyada la dagaalanka Musuq maasuqa

Next Post

Wasiir Beyle oo ka qeyb galay Shir looga hadlayay sidii Deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya

Next Post
Wasiir Beyle oo ka qeyb galay Shir looga hadlayay sidii Deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya

Wasiir Beyle oo ka qeyb galay Shir looga hadlayay sidii Deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Hassan, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda,...

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In