Dadweynaha Magaalada Istanbul ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta si ay usoo doortaan Duqa magaalada Istanbul.
Doorashadan oo horay loo qabtay bishii March ayaa waxaa ka soo horjeestay xibiga talada haya kadib markii la sheegay in wax isdaba marinu dhacday si lama filaan ahna loo shaaciyay Guusha musharaxii ka socday dhanka mucaaradka.
Balse Mr Imamoglu oo ah musharaxa xisbiga mucaaradka ayaa rajo weyn ka muujiyay in uu marka kale ka guuleysandoono Ra’iisul Wasaarihii hore ee Turkiga Binali Yildirim oo ah musharaxa latartamaya.
Natiijada doorashada ayaa loo arkaa in ay muhiim u tahay mustaqbalka madaxwayne Erdogan.
Istanbul oo ay ku nool yihiin 15 milyan oo ruux ayaa udub dhaxaad u ah dhaqaalaha iyo dhaqanka dalka Turkiga.
Madaxwayne Erdogan oo horay usoo noqday Duqa magaalada Istanbul ayaa sheegay in cida ku guulaysato Istanbul ay tahay cida ku guulaysatay Turkiga.
Dadka siyaasada taxliiliya ayaana sheegaya in haddii doorashada uu markale mucaaradka ku guulaysto ay isbadal wayn ku keeni doonto siyaasada dalkaasi.