Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa maanta lagu wadaa inay markale dib uga bilowdaan magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Tartankaan ayaa waxaa horay u hakiyay rabshado gacan ka hadal ah, iyadoo maanta la filayo in mar kale uu dib uga bilowdo magaalada Jowhar oo ay xaadir ku yihiin tirada Xildhibaanada ee dhiman.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM la geeyay goobta Doorashada si ay u sugaan Nabad gelyada goobaha Doorshada ka dhaceysa ee magaalada Jowhar.
Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub oo dhawan ka socday magaalada Jowhar ayaa iagu guuleystay in la doorto qaar ka mid ah Xildhibaannada.