Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen ku dhawaad boqol qof oo matalayey bulshada qaybeheeda kala duwan ayaa looga hadlayey doorka ay gabdhuhu ku leeyihiin waxbarashada Dalka iyo muhiimadda gabadhaha waxbaratay ay u leedahay dalka, waxaana kulankaas soo qaban qaabisay hay’adda caalamiga ah ee Relief.
Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Nugaal Mudane Xaashi Xuseen Faarax oo kulanka kasoo qaybgalay ayaa sheegay in waxbarashada gabdhuhu ay horumar u tahay bulshada oo dhan, wuxuuna intaas ku daray in marba marka ka dambaysa ay sii kordhayaan gabdhaha waxbartay.
Mahad oo ka socday hay’adda Relief International ayaa sheegay muhiimadda laga leeyahay kulankaan inay tahay sidii bulshada oo dhan loogu baraarujinlahaa tayada iyo kor u qaadista waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed si loola dagaalamo faqriga iyo jahliga,
By: Cabdi Xasan Awoowe