Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay doorka saxaafadda ee Nabadda iyo isdhexgalka bulshada oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay doorka saxaafadda ee Nabadda iyo isdhexgalka bulshada oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC ayaa maanta Gaalkacyo ku qabatay kulan aqoon isweydaarsi ah oo u dhaxeeya suxufiyiinta ka howlgala Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi Mudug.

Kulankan aqoon-isweydaarsiga oo ay ka qayb galeen ku dhawaad 50 saxafi ayaa waxaa lugu baranayay doorka ay suxufiyiintu ku leeyihiin nabadda iyo qaab tabinta xiliyada ay jiraan colaadaha iyo isku dhacyada siyaasadeed ee maamulada dalka ka jira.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Galmudug Aways Cali Saciid oo furay aqoon isweydaarisaga ay suxufiyiinta gobalka Mudug ku yeesheen koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in ka maamul ahaan diyaar u yihiin ka shaqaynta Nabadda, balse Wariyaashu iska dhaafan ku dhaqanka qabyaaladda.

Mudane Aways  ayaa aad ugu dheeraday intuu Khudbada ku guda jiray Faa’iidada ay Nabaddu leedahay iyo reer Gaalkacyo Colaadihii ay so mareen, isagoo bogaadiyay in laga wada shaqeeyo isdhexgalka bulshada iyo Nabadgelyada.

Cabdiqaadir Warsame oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta aqoon isweydaarsiga ka hadlay ayaa aad ugu dheeraday astaamaha lugu garto saxafiga wanaagsan, qaabka loo tabiyo xiliyada isku dhaca siyaasadeed iyo colaaduhu ay jiraan, isagoo bahda saxaafadda ka codsaday inay xoogga saaraan isdhexgalka bulshada.

Buraan Axmed Daahir Madax Hay’adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC, kana mid ah Saxafiyiinta rug caadayaasha ah ee dalka ku nool ayaa Saxaaafada kula dar daarmay inay kala saaran qabyaalada iyo shaqada ay bulshada u hayaan, door muhiim ahna ka qaatan Nabadda.

Burhaan ayaa sidoo kale sheegay in xiligii Nabadaynta Gaalkacyo & Saxaafaddu laf dhabar u ahayd heshiiskii Gaalkacyo lagu wada dagay, waxaana uu sheegay in maanta oo magaaladu kasii muhiimsantahay intii hore in dadku aysan Nabadda ka wada shaqaynayn qolo walbana dhankeeda Isbaaro qalbiga ah ay u aamintay.

11 22 33 44 66 99 100 101 102

Maxamed Jaamac

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka oo booqanaya degmada Jarriiban

Next Post
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo la kulmay guddoonka baarlamaanka Puntland

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka oo booqanaya degmada Jarriiban

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In