Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Koonfurgalbeed oo shaaciyay in todobaadyada soo socda la fulin doono howlgallo ka dhan ah Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Koonfurgalbeed oo shaaciyay in todobaadyada soo socda la fulin doono howlgallo ka dhan ah Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka  Koonfur  Galbeed  Soomaaliya  ayaa  sheegay  in todobaadyada soo socda laga xorayn doono maleeshiyaadka Al-Shabaab meelaha fara ku tiriska ah ay kaga   suganyihiin Gobolka Baay,  xilli Wasiiro ka tirsan  Maamulka ay  suganyihiin  Degmada  Bardaale halkaasi oo kulamo ay kulamo Wadatasho  oo  la  xariira  ammaanka ay  la yeesheen qaybaha Bulshada iyo  Maamulka.

Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamad  oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay kormeer howleed ku tegeen Degmada Bardaale, halkaasi oo ay kulamo kula yeesheen maamulka iyo saraakiisha ciidanka, ujeedkuna uu yahay sidii loo xoojin lahaa la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

“Socdaal muddo 3 cisho qaatay ayaan ku joognaa magaalada Bardaale, ujeedkeenu waxa uu yahay arrimaha ammaanka iyo ciidanka booliska gaarka ah ee degmadan ku sugan, sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen howlgallada la qorsheynayo in todobaadyada soo socda lagu qaado haraadiga Al-Shabaab, odoyaashuna waan kala hadalnay, inay gacan ka geystaan sidii guud ahaan gobollada dalka looga xoreyn lahaa haraadiga Al-Shabaab”ayuu yiri Xasan Cabdi Maxamed.

Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamad  ayaa intaa ku daray in odoyaasha dhaqanka iyo maamulka degmada ay ku guuleysteen xalinta colaad yar oo dhex maray labo beel oo walaalo ah, waxaana uu intaa ku daray in bulshada looga fadhiyo inay xoojiyaan dib u heshiisiinta la dhex dhigay labada dhinac.

 

Previous Post

Haween Soomaaliyeed oo gurmad beni’aadanimo gaarsiiyay qoysas ay saameysay abaaraha “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose oo kulamo kula qaatay Baraawe odoyaasha dhaqanka

Next Post
Maamulka Degmada Baraawe oo codsaday in laga caawiyo arrimaha caafimaadka

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose oo kulamo kula qaatay Baraawe odoyaasha dhaqanka

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In