Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay Weerarkii kooxda xagjirka ee Alshabaab ku qaadeen xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in falkaasi ay aad uga xun yihiin, uuna yahay mid argagixiso oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo dad aan waxba galabsan ee xarunta Degmadaasi iyo nawaaxigeeda ku sugnaa.
Sidoo kale bayaankaasi ka soo baxay Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in falka noocan ah uu waxyeelaynayo sugnaashaha nabadgelyada ee Soomaaliya,waxayna Tacsi u dirtay Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna ilaah ugu barisay dadkii shilkaasi ku dhaawacmay caafimaad ded deg ag.
Weerarkan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Degmada Hodan subaxdii sabtidii la soo dhaafay wuxuuna sababay geeri iyo dhaawacyo dad maato ah ,wuxuuna dhibaato gaarsiyay Masaajidyo iyo Guryo dadweyne oo ka ag dhawaa goobtaasi.