Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 months ago
in Wararka
0
Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimi ee Urdun, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya, Midowga Jasiiradaha Qumooros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambia, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Jamhuuriyadda Ciraaq, Dawladda Kuwayt, Dawladda Liibiya, Jamhuuriyadda Maldives, Jamhuuriyadda Federaalka ee Nayjeeriya, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Dowladda Falastiin, Dawladda Qatar, Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Suudaan, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Yemen, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa hoosta ka xariiqay qodobadan soo socda:

1. Diidmo cad oo aan mugdi ku jirin oo ay u diidan yihiin aqoonsiga ay Israa’iil 26-kii Diseembar 2025 u sameysay gobolka “Somaliland” ee ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama tallaabadan aan hore loo arag ay leedahay cawaaqib halis ah oo saameynaya nabadda iyo amniga Geeska Afrika, Badda Cas, isla markaana ay si guud u saameyneyso nabadda iyo amniga caalamka, kana tarjumeysa iska indha-tirid buuxda oo cad oo Israa’iil ay ku sameyneyso sharciga caalamiga ah.

Related posts

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026

2. Cambaarayn adag oo ay u cambaareynayaan aqoonsigaas, kaas oo ah ku xadgudub weyn oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kuwaas oo si cad u faraya ilaalinta madaxbannaanida dowladaha iyo dhul-wadaaggooda, isla markaana ka tarjumaya siyaasado fidin (ballaarin) ah oo Israa’iil leedahay.

3. Taageero buuxda oo ay siinayaan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo diidmo aan leexleexad lahayn oo ay u diidan yihiin tallaabo kasta oo wiiqeysa midnimada Soomaaliya, dhul-wadaaggeeda ama madaxbannaanideeda ku aaddan dhammaan dhulkeeda.

4. Aqoonsiga qaybo ka mid ah dal waxa uu abuurayaa tusaale halis ah, wuxuuna khatar gelinayaa nabadda iyo amniga caalamka, isla markaana ku xadgudbaya mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

5. Diidmo buuxda oo ay u diidan yihiin xiriir kasta oo suurtagal ah oo u dhexeeya tallaabadan iyo isku day kasta oo lagu doonayo in si qasab ah dadka Falastiin looga raro dhulkooda, taas oo si mabda’ ahaan ah gebi ahaanba loo diidan yahay nooc kasta ha ahaatee.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo Wada-tashiyo Qaran la yeeshay Madaxdii hore iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed

Next Post

Dowladda Suuriya Oo Si Kulul U Cambaaraysay Israa’iill

Next Post
Dowladda Suuriya Oo Si Kulul U Cambaaraysay Israa’iill

Dowladda Suuriya Oo Si Kulul U Cambaaraysay Israa'iill

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In